Home » Warar »

Wasaaradda maaliyadda ayaa soo bandhigtay Hindisaha Daah Furnaanta Dowladda oo ay shacabka kula wadagayso xogta dowladda

Muqdisho, 02, Jan, 2016….Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheikh Maxamuud ayaa bilaabay abuuritaanka nidaamka Dowlada ee Daah Furnaanta, taas oo dowladu ku doonayso in shacabka lala wadaago xogta dowladda. Madaxweynaha ayaa sheegay in daah furnaanta iyo ilsa xisaabtanku ay asaas u yihiin miraha dimuqraadiyada, dowlad wanaaga iyo hormarinta dhaqaalaha.

Nidaamka daah furnaantu iyo dowlada oo lala xisaabtamo waa mid muhiimad gooni ah u leh muwaadiniinta Soomaaliyeed, Shaqaalaha Dowladda, bushalda qaybaheeda kala duwan, iyo ganacsatada, waxayna u sahlaysa iney si saxan u is ticmaalaan akhbaaraadka dowladda.

Wasiirrka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti oo u gudbiyey Hindisahaan Golaha Wasiirada ayaa sheegay in in Dawladdu xoojinayso kalsoonida ka dhexaysa shacabkeeda, taas oo sahlaysa in qofkasta uu awood u yeesho inuu fahmo oo la fal-galo nidaamka dawladnimada.

“Dawladdu waxay ka shaqaynaysaa sidii qof walba u dareemi lahaa inuu dawladda qayb ka yahay isaga oo aaminsan inuu dawladda isha ku hayo isla markaasna uu saxo wixii khaldama, waana arrin keeni karta in la wajaho dhinaca dawlad wanaagga isla markaasna la cirib tiro musuq-maasuqa iyo wax kasta oo ragaadin kara dawlad wanaagga, hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, ayaa ah tiirarka asaaska u ah dawlad Dimiquraadi ah iyo hormarka dhaqaaalaha. Dawlad xilkas ah oo hufan waa midda suurtagalisa in dhammaan muwaadiniinta, shaqaalaha dawladda, ururada bulshada rayidka ah iy dhammaan bulshada inteeda kale ay si fudud u adeegsan karaan xogta dawladda” ayuu yiri wasiir Farkeeti

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sanadahaan dambe ay si xawli ah uu kor ugu socday adeegsiga internetka ee Soomaaliya, arrintaas oo dhiirro gelinaysa in dad weynaha fursad loo siiyo xogta Dawladda.
“Maanta, waxaa soo if-baxaysa dhismaha Qaranimo curdan ah, Bangigii dhexe waa la yagleelay, Nidaam maamul maaliyadeed ayaa loo sameeyay Wasaaradaha muhiimka ah, waxaa la qoray lana ansxiyey sharciyo dowladnimada saldhig u ah, sidoo kale waxaa la magacaabay jagooyin muhiim ah oo dawladda ku caawinaya isla xisaabtanka, wasaaradihii waa hawl galeen, waxaa saddex sano jirsaday Miisaaniyadda Dawladda oo dhaqan gashay. Waxaana maanta la joogaa xiligii dad weynuhu heli lahaayeen xogta iyo macluumaadka iyaga oo aan ku bixin kharash badan iyo waqti dheeraad ah. Haddii arrintaan si fiican loo dhaqan geliyo iyada oo la adeegsanayo qaabab casri ah waxaa dadweynaha iyo dawladaba ugu jira faa’iido weyn oo aan la soo koobi karin. Sharciga Hindisaha Daah Furnaantu waa arrin gogol xaar u noqon doontaa dib-u-habaynta guud ee waddanka”

Golaha Wasiiradda ayaa balanqaaday fulinta aragtida Madaxweynaha ee ku aadan Furnaanta Dowladnimadda iyo in Dalku uu noqodo mid hogaamiya dhanka daah furnaata Qaarada Africa sanada 2020.

Hindisaha Daah furnaanta Dowladnimo waa dadaal ballaaran oo ku yimid Codsiga tooska ah ee Madaxwaynaha, waxaana hagaya Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana dhaqan gelinaya oo si ficil ahna u hogaaminaysa Wasaaradda Maaliyada oo la kaashanaysa Wasaarado kala duwan.

—DHAMAAD—
image

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.