Home » Faallo »

Siyaasada waxaa nooga horeysay wadaadnimada

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo xilligii maxkamadaha islaamiga booqasho ku tagey magaalada Dhuusamareeb ayaa kutub caqiidada islaamka ka hadlaysa u qaybiyey culimo suufiyo ah, wuxuuna ku yiri soo akhriya oo wixii khalad idiin la muuqda aynu isla aragno.

Culimadii kutubtii ayay soo akhriyeen, ka dibna waxay ku dheheen kutubtaan wax qalad ah kuma aanaan arag. Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu culimadaan tuso in dicaayado iyo isku dir badan loo geeyay, ka dibna ay ka dhalato in diinta loo wada shaqeeyo, wixii qalad ahna la iska saxo, wixii la isku khilaafsanyahayna laga wada hadlo.

Sheekhii waxaa u yimid niman qaraabadiisa ah, waxayna ku dheheen: Sheekh adiga waxaad tahay nin siyaasi ah ee maxaa ku dhexgaliyey wadaado iyo khilaafkooda?. Wuxuu ugu jawaabay “war heedhahaya siyaasada wadaadnimada ayaa nooga horeysay”

Dad badan baa u qaatay mar haddii siyaasi la noqdo in maqaarka la iska bixiyo oo midab kale lala soo boxo, lagana bari noqdo wixii la soo maray; si aan argagixiso luguugu malayn ama aan beesha caalamku kuu nicin ama u fahma siyaasinimadu inay tahay darajo ka sarraysa culimanimada oo loo dallaco oo ay tahay inuu muujiyo inuu marxaldaas ama garaadahaas beri hore ka soo gudbay.

Ragga qaar dhaqan ahaan bay u muujiyaan, qaarna ficil bayba ku daraan laakiin raggaas waxaa ka maqan in faylkoodii oo dhan ama badidiida la hayo hadal iyo ficilba. Xataa haddaan horay loo hayn kolkii aad magac yeelatid ama xil qabatid ayaa cid kasta oo ku taqaaney laga uruurinayaa xogtaada oo buuxda.

Taa macneheedu waxaa weeye ma qarsoonide ha noqon gorayadii madaxa gashatay bacaadka si ay dadka ugaarsanaya uga dhuumato. Waxay u qaadatay hadday iyadu arki weydo dadka eryanaya in aan iyada la arkayn!.

Tan kale wax kasta oo aad sheegtid waxaa kaa burinaya xog xaqiiqa ah oo lagaa hayo oo ah inaad Qur’aanka oo dhan rumaysantahay oo aad akhridid. Waxa gaalo muslimiinta ku colaadinayso badankoodu waa wax Qur’aanka ku yaal, cidina kaa akhrisan mayso Qur’aanka waa wada rumaysnahay, waxa ku yaalna ma rumaysni.

Sh. Axmed cabdisamad

image

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.