Home » Warar »

Wasiirka Gaashaandhigga oo Gaadiid Ciidan kala wareegay Dawladda Ingiriiska.

December 19, 2015…..Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta kala wareegay gaadiid loogu deeqay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Safiirka Dawladda Boqortooyada Ingiriiska u fadhida Soomaaliya Harriet Mathews. Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Ingiriiska taageerada ay u fidiyeen ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Wasiir Diini oo munaasadda wareejinta gadiidka oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay taageeradan gaadiid, sidoo kalena tilmaamay in taageero kasta oo ciidan loo adeegsan doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dawligaa.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan saaxiibka nahay ee Ingiriiska oo mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba. Gaadiidkan guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa dawladda Ingiriiska,” ayuu yiri Wasiirka.
image

image

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed oo goobta ka hadlay ayaa xusay in gaadiidkan ay dowladda Ingiriisku ugu deeqday ciidanka uu yimid xilli ay jirtay baahi. Isagoo mahadcelin u jeediyey Safiirka iyo dawladda Ingiriiska.

Dhanka kale, Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhida dalka Soomaaliya Amb Harriet Mathews ayaa xustay in taageerida dowladda Ingiriiska ee dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ka tahay daacad. Isla markaana ay xoojin doonaan taageerada ay siinayaan Ciidanka Xoogga dalka.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.