Home » Warar »

Wasiir Diini oo Talooyin Dhinaca Ammaanka ah Siiyey Kalluumaysatada Muqdisho ka Dib Dhacdadii Ayraboorka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo weheliyo Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow ayaa galabta ku booqday xeebta Liido dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay rasaas ku fureen Ciidanka Midowga Africa ee AMISOM, kadib markii ay ku soo dhawaadeen xeebta garoonka .

image

Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey saddex doomood oo ay leeyihiin Kaluumeysatada kuwaas oo ka muuqdeen rasaas, wuxuna sheegay Wasiirku in guddi baaritaan ku sameeya loo saaray. Isagoo dhinaca kale uga digay Kaluumeysatada Soomaaliyeed in ay xiliyada habeenkii ah ku dhawaadaan garoonka iyo Dekadda Muqdisho kuwaasi oo dhibaato ka soo gaari karto.

“Waxaan u saarnay dhacdadan guddi baaritaan ku sameeya qaabka ay wax u dhaceen iyo khasaaraha soo gaaray kalumeysatada. Waxaan uga digeynaa Kaluumeysatada ka shaqaysa Muqdisho in ay u dhawaadaan goobaha ay Ciidamaddu dagan yihiin sida Garoonka iyo Dekadda ” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiir Diini ayaa tilmaamay in laga doonayo cid walba oo kaluumeysi u aadeysa xiliyada habeenkii ah Xeebaha Muqdisho in ay wargeliyaan Ciidamadda Badda iyo Boolis si loola socdo haddii ay la kulmaan khatar dhinaca ammaanka ah si gurmadna loogu fidyo.

—–DHAMMAAD—-

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.