Home » Warar »

Xarunta SWDC oo Xustey Maalinta Xaquuqul Insaanka Soona Bandhigtey Dhibanayaal lagu Xad-Gudbey

10-ka December 2015 waxay ku Beegan tahay Maalinta Xaquuqda Aadanaha Adduunka, Munaasabad ku Aadan maalinkaa ayaa lagu qabtey Magaalada Muqdisho waxaana Munaasabadaas soo qaban qaabiyey Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) Waxaana ka qayb galey masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Masuuliyyiin ka socdey Garsoorka, Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Booliiska ,qaybaha kala duwan ee Bulshada sida Culima’udiin, Aqoonyahano, Xisbiyada Siyaasada, Masuuliyiinta SWDC , Haween iyo Dhalinyaro,

Waxaana ugu horeyntii halkaa ka Hadley Sahro Maxamed Axmed oo dhinaca Sharciga kala talisa Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) waxay ku dheeraatey Sannadkii tagey wixii Xadgudub ahaa ee Dalka ka dhacay waxayna sheegtey in Sannadkaa ay dhaceen Xadgudubyo isugu jira Dil , Kufsi ,isku day Kufsi, Hanjabaad, Xarig iyo wixii la mid ah , waxayna sheegety in Xadgudubyadaas ay Xarunta Diwaangelisey .

Waxa sidoo kale halkaa ka Hadley Culimau’diin waxayna yiraahdeen “Ummadihii hore waxaa Ilaah ku Halaagey Xadgudubyo ay sameeyeen marka Xadgudubyadaas kuwa la mid ah waxay ka dhaceen Dalkeenna marka waa in Bulshada ay u is taagto sidoo looga hortagi lahaa Xagudubyadaas oo ka dhanka ah Diinta Islaamka”

Intii ay socotey Munaasbadaas waxaa ka hadley Dhibanayaal ay Xarunta soo bandhigtey waxayna sheeegeen in Guryo iyo hanti kale Xoog looa haysto iyagoo ka dalbadey Hayadaha Garsoorka in ay dib loogu soo celiyo Guryahaas oo ay sheegeen in muddo dheer laga haystey hase yeeshee Xubnihi ka socdey Garsoorka waxay halkaa ka balan qaadeen in ay Dadaal u geli doonaan soo celinta Hantidaas

Waxaa kaloo halkaa ka hadley Xubno ka socdey Garsoork waxayna yiraahdeen “ Ma jiraan wax Dacwd ah oo ay noo soo gudbiyeen dadkii halkaa ka hadley ee Dhibanayasha ahaa hase yeeshee waxaan balan qaadeynaa in aan Cadaaladda horkeeno kuwa Xoogga ku haysta Guryahaasi iyo kuwa kala ee iyana jir dilka loo geystey “

Axmed Macalin Fiqi oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir oo isna halkaa ka hadley ayaa yiri “ ugu horeyn waxaan u Mahadcelinayaa Xarunta SWDC marka xiga Waxaan Garsoorka uga baahanay in ay noo sheegeen habka Qof Mawaadin oo oo aan awoodin in uu Dacwad furto sida uu ku gaari karo laamaha Garsoorka si loo qaado dacwadiisa uuna u helo Xaquuqda ka maqan “image

Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Wasiirada Haweenka Xaquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Sahro Maxamed Cali Samater oo ugu horeyn waxay u Mahadcelisey Xarunta Somali Women Developments Center (SWDC) oo ay sheegtey in ay wax badan ka qabatey Xadgudubyada Xaquuqda Aadanaha gaar ahaan Haweenka waxayna ugu baaqdey Xarunta in ay sii laba jibaaraan sidii looga hortagi lahaa in dalka ay ka dhacaan Xadgudubyo waxay sii raacisey “Maanta waxaa loo Dabaaldegeyaa maalinta Xaquuqul Insaanka waxaana Sannadkii tagey dalkeena ka dhacay Xadgudubyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha, sidaa darteed Dowlada Federaalka waxay balan qaadeysaa sidii loo joojin lahaa Xadgudubyadaas”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.