Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka tacsiyeeyey dilkii Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurhan.

War-saxaafadeed:

Mogadishu, 09 November 2015

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Omar Abdirashid Ali Sharmarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii, saaxiibada iyo dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurxan.

Xildhibaan Gurxan ayaa u geeriyooday dhaawac ay shalay u geysteen kooxo hubeysan xili uu ku sugnaa degmada Xamar Wayne ee magaalada Muqdisho. Wuxuna Ra’iisul Wasaaruhu Eebe ugu baryey marxuumka in uu jannaadiisa Fardowso ka waraabiyo ehelkii iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Waxaan Tacsi u dirayaa qoysaskii, saaxiibada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Xildhibaan Mohamed Ahmed Gurxan. Waxaan ilaahay ka baryaynaa in uu naxariisto, marxuumka waxaa dilay kooxo arxan daran oo banaystay daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Sharmarke.

—-Dhammaad—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

………

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan
Maxamed Axmed Gurxan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa ka tacsiyadeeyey geeerida
Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo fiidnimadii caawa ku geeriyooday
isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI
RAAJICUUN hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceeyga, magaca
Guddoonka Golaha Shacabka iyo magaca Xildhibaannada Baarlamaanka
waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida ku timid allaha u naxariistee
Xoghayaha guddiga arrimaha gudaha ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed
Axmed Gurxan oo gacan ka xaq daran sababsaday, waxaan Alle uga
baryayaa naxariistiisa jano in uu siiyo, si gaar ah waxaan tacsi ugu
dirayaa qoyska,carruurta iyo shacabka uu metelayey”.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cusmaan “Jawaari” ayaa sidoo kale Alle ka baryey in samir iyo iimaan
uu Alle naga wada siiyo Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan waxaana uu
dhanka kale ka dalbaday hay’adaha ammaanka oo hada ku howlan baaritaan
iney jawaab deg deg ah ka keenaan falkaasi dilka ah.

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker

…..

Madaxweyne Xasan “Hey’adaha ammaanka waa inay sharciga horkeenaan dhagar-qabayaasha xildhibaanka dilay.

Muqdisho- November 07 2015-Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo ka mid ahaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo caawa fiidkii u geeriyooday dhaawac saaka Muqdisho loogu geystay.

Madaweynaha ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada marxuumka iyo sidoo kale Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed isaga oo EBBE uga baryey marxuumka inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.

” Inaa Lilaahi wa inaa Ilaahi raajicuun, EEBE Jannadii Fardowsa haka waraabiyo Marxuum Maxamed Axmed Gurxan ,sabar iyo iimaan Allaah haka siiyo ehaladiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed . Waa geesi shahiiday oo naftiisa u huray u shaqeynta iyo badbaadinta ummadda iyo qarannimadda Soomaaliyeed, ” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa ku amray hey’adaha ammaanka inay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayashu dhuumaaleysanaya ee maanta sida fulaynimadda ah u toogtay MarxuumkMaxamed Axmed.

Wixii faafaahin dheeraad ah kala xirriir
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda
E-Mail: shadorhaji@presidency.gov.so
Website: www.villasomalia.gov.so

…..

RW ku xigeenka oo saaka ka qayb galay aas Qaran oo loo sameeyey Marxuum Maxamed Axmed Gurxan.

Muqdisho November 8, 2015…..Allaha u naxariistee waxaa maanta lagu aasay qabuuraha Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho Marxuum Maxamed Axmed Gurxan oo kooxo dhagar-qabayaal ah ay shalay ku dileen magaalada Muqdisho. Waxana aaska Marxuumka ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte. Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Jeylaani Nuur Iikar iyo xubno ka tirsan labada golle ee dawladda, Siyaasiyiin iyo dad weyne kale oo kamid ahaayeen ehellada Marxuumka.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar oo Saxaafadda la hadlay aaska ka dib ayaa sheegay in dilka kooxaha Nabad-diidku u geysteen marxuum Maxamed Axmed Gurxan iyo kuwii ka horeeyay aysan hakin doonin howlaha uu qaranka u hayo Baarlamaanka, wuxuna ugu baaqay laamaha amniga inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka cadaaladana la horkeenno.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa dhankiisa tacsi u diray baarlamaanka iyo eheladii uu ka baxay marxuumka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu waayay xubin muhim ah.

“Xildhibaan Gurxan wuxuu ahaa qof qaali ku ah bulshada Soomaaliyeed, wuxuu dhintay isagoo dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynaya. Gurxan wuxuu la mid yahay dadkii Soomaaliyeed oo iyaga oo Soomaaliya u halgamaya naftooda ku waayay, uguma horeyn, dabcana uguma dambeyn doono” ayuu yiri R.W ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka X. Soomaaliya ayaa mar labaad ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga soona sheegaan kooxaha shar wadayaasha ah.

—–DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.