Home » Warar »

Shirweynihii Sugidda Cuntada, U adkaysiga Aafooyinka iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada‏ oo Muqdisho lagu soo Gabgabeeyey

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo Gabgabeyey Kulan looga hadlayey Fatahaada iyo Roobabka la filayo in ka da’aan dalka , waxaana Kulankaas ka qayb galey Wasaarada ay Khuseyso, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyadoo Kulankaas uu furey Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib

Mar uu ka hadley Furitaankii Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalibn waxaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deggen gobollada ay ku yaalaan webiyada Shabeelle iyo Jubba in ay ka fogaadaan meelaha laga yaabo in Wabiyaashaas ay ku Fatahan

Wasiirkii hore ee baaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Baafo mar uu ka hadlayey kulankaas socdey mudada Labada Maalin loogana hadlayey Roobabaka iyo Fataadaha ku soo Wajahan Soomaaliya ayaa sheegay in Maamul gobaleedyada wadanka ka jira ay kala tashanayaan sidii loo sugi lahaa cunnada loogana hortagi lahaa musiibooyin dhaca. Waxaa uu intaas sii raaciyey

“Waxa ugu weyn waxa ay tahay in la helo qorshe mideysan oo dhinaca Soomaalida ka soo baxa, dowladda dhexe hogaamineysa, qeybna ka yihiin MaamulGgobaleedyada, Mashaarciida la fulinayo ahaadaan kuwo banaanka laga keenay oo ay ahaadaan kuwo aan annaga k asoo shaqeynay”

Wasiirkii hore ee Beeraha Mudane Cabdi Maxamed Baafo ayaa sheegay in shirkii looga hadlayay arrimaha Shirka Sugidda Cuntada, u adkeysiga Aafooyinka iyo La qabsiga is badalka cilimida uu ahaa mid aad iyo aad loogu baahnaa isla markaana uu ku soo beeegmey Xili loo baahnaa maadaama Soomaaliya la filyo in ay ka da’aan Roobab Wata Fatahaado

Waxaa ugu Dambeyntii Shirkaas ka soo baxay Qodobo Muhiim oo ay ka mid ahaayeen in Dowladu ay magacowdey Guddi kaasoo howshiisa ay noqon doonto sidii la iska kaashan lahaa Fatahaada iyo Roobabka la filayo in ay ka da;aan Soomaaliya , waxaan Gudigaas Howshiisa ay noqon doontaa sidii wax uga qaban lahaa Roobabaka Fatahaada laga digey

Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay in dabeylaha Wata Roobab Fatahaado ay Soomaaliya ka geysan karaan khasaare halis ah, waxaana xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay in ay u diyaar-garowdo ka hortagga khatarahaas, iyadoo kaashanaysa Haya’adaha gar-gaarka ka shaqeeya.

Press Statement from Consultation Conference on Somalia Food Security, Disaster Resilience, and Climate Change Adaptation

A consultation conference among Federal Government Ministries and Regional Administrations on Somalia Food Security, Disaster Resilience, and Climate Change Adaptation was organized by the Office of the Prime Minister of the Federal Government of Somalia with the help of the Somalia Resilience Program (SomReP). The Office of the Prime Minister’s Resilience Focal Point hosted the meeting on October 20 to 21, 2015. His Excellence Mr. Mohamed Omar Arte, the Deputy Prime Minister and Acting Prime Minister (APM) of the Federal Government of Somalia opened the meeting together with Deputy Minister of Planning and International Cooperation Mr. Abdullahi Sheikh Ali (Qalloocow).

Statement:

1. TheFederal Government of Somalia and Regional Administrationsshould have a continuous dialogue on food security, disaster resilience and climate change adaptation.

2. Transfer of technology and knowledge are crucial to supporting the climate change adaptation and mitigation ambitions of Somalia.

3. Somalia context of Resilience strategy should focus on the following: Drought, Food Insecurity, Floods, Conflicts and Insecurity, Epidemic Diseases, Locust Invasion, and Deforestation.

4. Disaster Resilience Programs in Somalia should be Somalia led and Somalia owned.

5. Creation of project management units from Federal Ministers and Regional Administrations that will form a National Disaster Resilience Committee.

6. Joint Monitoring and Evaluation with the Donors should be done to all Resilience projects in the country.

image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.