Home » Faallo »

AMISOM Ha Baxdo Waa Ujeeddo-Badan! W/Q: Axmed-Assad

image

Xoolahaa loogu heesaa, “Laaca Aragtaye, Laagta Ma Og tahay!” Taasoo looga jeeddo, neefyohow geedka curubta leh waad aragtaaye, godka ka sokeeya haku dhicine iska illaali.

Toloow Ma Baroortaa Orgiga Ka Wayn, Mise Dhibteenaa AMISOM Ka Qoto dheer! AMISOM oon jooggin miyaynaan is-xasuuqin oo macaluul isku dhamayn?. Berigaaba Muslim-Suni ah & Soomaaliba waynu ahayne, xaggee xaajadu iska qaban la’dahay?

Waynu ognahay in aynaan isu dilin jacayl aynu u qabnay imaanshaha AMISOM. Laakiin, ma waxaynu isu dilnay qabyaalad & isir nacayb ina madax martay? Mise xukun jeceyl iyo reer hebel noo talin maayo ayay ahad? Mise taana ma ahayne, saboolnimo dardteed ayaa markuu dakhligii wadanku inaku filnaan waayay baynu xukunka sad-bursi reeraysan ku raadinaynay?

Waxay illa tahay, Soomaalidu ma ahayn dad isu neceb sida Yuhuuda iyo Falastiin. Mana ahayn dad isu neceb sida gaallo & Muslim. Mana ahayn dad sidii Boosniyaan-ka ama Ruuhingaha dhulkooda la rabay in laga cirib-tirro. Markaa waxaa la oran karaa, waxaynu isku dilnay waxaa ugu waynaa Xukun-jacayl, Magac-doon, Cadaalad-doon, Sad-bursi-doon, iyo Shaqo La’aan.

Qofka shaqo-joogto ah, cadaalad iyo xurmayn sare haysta ee Soomaaliga ahi maba dagaalamo. Soomaalidu waxay dagaalantaa markay dulmi tirsanayso iyo marmar ay sad-bursi doonayso.
Haddaba, haddii dhakhtarka qaliinka sameeya ay maskaxda buro ka soo baxdo, isagu kalidii isma qallo! Waxaynu isku samaynayna wax buro-maskaxeed lagu masaalo way ahaayeen. AMISOM dalxiis iyo ciyaar saaxibtinimo inooguma imaan, ee waxay u yimaadeen inay qalliin inagu sameeyaan. Qaliinkiina wali wuu inagu socdaa, xanuunka aad dareemaysaana waa kabaabyadii ayaa inaga soo baxaysa oo waynu soo ladnaanaynaa, laakiin wali waxoogaa baa inoo haraye, ha deg-deggina.

Waa hubaal in AMISOM & Ciidamada kaleba ay dhibaato inagu hayaan, laakiinse, ma is waydiinay waxa dhici lahaa haddii AMISOM inoo sheeggaan inay 90 maalmood gudahood inaga guurayaan? Waxay ila tahay, in qofka ku farxayaa ama doonnayaa inay sidaas DEG-DEGGA ah ku baxaan uu 7-dan soo socda midkood uun yahay.

—KOOX 1aad—
1) Wadani karahsaday uun dhibaatada ciidamadda shisheeye inoo geystaan
2) Qof niyadsan oo gaallo naceb, laakiin aan waaqici fog ahayn
3) Qof aaminsan in Muslimiintu inoo soo gurman doonaan hadday ina dhaafaan.
4) Siyaasi is-yeel-yeelaya oo halagaa sheeggo uun ay ka tahay

—KOOX 2aad—
5) Qaar aaminsan in ‘waagii-hoogu’ uu uga nacfi roonnaa sidan maanta la yahay
6) Qas-wade khalkhal doon ah oo mansab ku raadinaya fidnada dhalan doonta
7) Qof Shabaabka & qadiyadooddu inay guulaysato aad u jecel.

Kooxda 1aad, dhibaato ma wadaan, laakiin tallada ayaa sidaa isu tustay, oo xataa Mr. halagaa sheeggo wuxuu rabbaa inuu isu muujiyo inuu yahay siyaasi wadani ah oo mabda fog leh, wuxuuna soo jiiddanayaa dareenka #1,#2 & #3. Kooxdani waxay qabaan inaynu caafimaadnay oo qaliinka halkaa lagu joojiyo, waxayna u baahan yihiin, is-dejin, caqli-celin, xusuusin wixii la soo maray, iyo cawaaqib xumada ka iman karta hawshii oo qabyo ah haddii la joojiyo. Hana ogaadaan in markaynu cagaheena si wacan isugu taagno inay AMISOM inaga tegayaan. U malayn maayo inuu qof caqli leh oo Soomaali ahi jecel yahay in wadankiisa ciidamo ajinabi ahi jooggaan. Laakiin, dan baa inoo run-sheegtay oo meesha ina dhigtay. Lax walibana shilalkay is dhigtaa lagu qallaaye, inagaa sidan isu galaye aynu wixii hore xalay dhalay ka noqono, walaalnimaddana aynu xoojino inta qaliinku inagu socdo.

Kooxda 2aad, gaar ahaan #5 & #6 waa kuwii markii horeba inagu kalifay inay ciidamo ajinabi ahi inoo yimaadaan. Kuwan warkoodu wuu cad yahay oo waa xaaraan ku naaxyo isugu jirra qabqableyaal-dagaal & ganacsato dhiig-miirato ah iyo taageerayaashooda. Intay iska bakh-bakh leeyihiin ee aanay wax ficil ah samaynin waa inaan wax cadaalad darro ah ama xarig ah loo geysan. Waayo, waxay rabaan inay beer laxawsanayaan #1 illaa #4.

#7 iyagana warkoodu wuu cad yahay, oo waa qof/dad aaminsan inaynu illaa Alaska, USA inaynu xoog ku muquunino, dhibaatada & halaagga inaga soo gaarana aynu barakaysano, waayo wuxuu qabaa in aynu Illaahay swt ugu dhawaanayno. Qofkaasi duni kale buu ku nool yahay oo aan tan ahayn, wuxuuna inoo waddaa waa dib u dhac 100 sanno ah & dawladdii Xijaaj Bin Yuusuf oo afar jibaaran. Qofna fikirkiisa laguma wax yeelayn karo, laakiin kii ficil la yimaada wixii laga yeeli lahaa cidna loo higgaadin maayo.

Gabagabadii, Soomaalidu waa Kookakoolaha oo kale, haddii la ruxana butaaciddeeda ciddina ma celin karto. Markaa, dadka ruxayoow, fadlan ha ruxinna sunaami aydaan fatahaadeeda joojin karin , haddaad ruxdaanna diyaariya digsigii weynaa ee aynu hoos dhignay 1991 markay inagu burqatay!

W/Q: Axmed-Assad.
Kala soco, Twitter: @AxmedAssad, Facebook: Axmed.Assad ama Murtisoor

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.