Home » Warar »

Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray dalka India .

New Delhi, October 16, 2015 – Illaa iyo 20 diblomaasi oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tababar diblomaasiyadeed oo socday muddo 30 cisho ah ( Hal bil ) loogu soo gaba-gabeeyay Magaalada New Delhi ee caasimadda India .

Tababarkani oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda ( Foreign Service Institute ) ayaa diblomaasiyiintani waxa ay ku barteen Maadooyin la xiriira arrimaha diblomaasiyadda , Siyaasadda , Amniga , Dhaqaalaha , Caafimaadka iyo Tiknoloojiyadda, iyadoo mudadii tababarkaasi socday ay socdaalo iyo booqashooyin ku kala bixiyeen Magaalooyinka Agra , Hyderabad iyo goobo kale .

image
Munaasabad lagu soo xirayay Tababarkan oo ka dhacday Xarunta Machadka , ayaa Madaxa Kooxda diblomaasiyiinta Soomaalida ee tababarkan ka qeybgalay waxa uu kaga mahadceliyay Xukuumadda iyo Shacabka India fursadan ay u siiyeen in dalkooda ay wax ku bartaan diblomaasiyiin Soomaaliyeed, isagoo ka rajeeyay Dowladda India inay sii kordhiso taageerada ay siiso Dowladda Soomaaliya .

Mr. Anil Wadhwa oo ah Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda India ee Arrimaha Bariga ayaa ka sheekeeyay Xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo India , isagoo xusay in India ay garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, diyaarna u tahay gudbinta waaya-aragnimada iyo aqoonta maamul .

Ms. Nengcha Lhouvum , Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ( FSI) ayaa sheegtay in kooraska la siiyay diblomaasiyiinta Soomaalida uu ahaa mid heerkiisu sareeyo , oo lagu barayay Xiriirka Caalamiga, Qaanuunka dowliga , horumarinta iyo dhammaan arrimaha casriga ah ee la xiriira diblomaasiyadda ,iyadoo ku ammaantay diblomaasiyiintan sida wacan ay uga qeyb qaateen tababarkan .

Munasabadan oo si heer sare ah u dhacday , ayaa waxaa diblomaasiyiintaasi lagu gudoonsiiyay Shahaadooyinka tababarka .

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.