Home » Warar »

Qaladaadkii Warbaahinta ee Shilkii Diyaaradda ee Muqdisho

Intii war qalad ah uu kaa bixi lahaa waxaa wanaagsan in warka aad tebinayso uu Daaho,warbaahinta Soomaalida waxa ay habeenkii isniintii oct 13, 2015 ahaa ay aad u tabinayeen warka la xiriira Diyaarad dul hee-haabaysay Garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.Inta badan waa ay adkeyd in la helo xogta saxda ee Diyaaradda waxaase markii dambe dadka xog ogaalka ah ee leh ila Wareedka wanaagsan ay heleen in Diyaaradda ay degi la’dahay sababta ayaa lagu kala duwanaa waan u soo laaban doonaa sida saxda ah laakiin bal aan ifiyo sida wax loo tebiyay

Idaacad ka mida kuwa Muqdisho oo warka Fiidnimo ku guda jirtay waxa ay u tebisay Dhagaystayaasheeda in diyaaradda ay ahayd Rikaab siday Dad Xujay ah ayna degi la’dahay Idaacaddaas kuma aysan dheeraan sababta ay u degi la’dahay waxa ayse Warkeedu ahaa in diyaaradda ay siddo Dadka ka soo laabtay Xajka waxa ayna marin habeebisay Dhagaystayaasheedii

Idaacad kale ayaa tebisay war ay u arkayeen in uu yahay midka Saxda ama xiisa leh kaasi oo ahaa In Diyaaradda ay leedahay Uganda loona diiday in ay ku soo degto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyagoo sabab uga dhigey Dowladda Turkiga warkaasi oo ahaa mid Soomaalidu in badan ay u arkeen mid sax ah .

Idaacad kale oo iyana dabcan dadaal dheer gelisay xogta Diyaaradda ayaa soo tebisay in Diyaaradad ay gubatay ayna Holcayso wixii saarnaana ay dhamaantood ay halkaa ku gubteen warka waxa ay ka xigatay goob jooge deegaanka ku sugnaa.

Nin oday ah oo Dhagaystay Idaacad ayaa iyana tebisay in Diyaaradda ay aaday Wadanka Jabuuti waxaa daqiiqado kadib la soo sheegay in Diyaaraddu ay dhacday waxayna ku noqotay lama Filaan waayo waxaa uu ka shalaayey Warkii Beenta ahaa oo isna dad kale uu u sheegey

Aan dib u qooraansano wararkaas waxaa la yaab ahaa Warbaahintii Tabisey in Diyaarada ay sidey Dad Xujeyda , waxaa halkaa kaaga soo baxaya in Idaacadaas ay lumisey Dhageystayaal fara badan waayo dadka dhageysanayey waxaa laga yaabaa in Dad Ehelkooda ay dhici karto in ay saaran yihiin marka maxaa Faaideysey

Sida saxda waxa ay ahayd sidan: Diyaaradda waxa ay ahayd mid Xamuul ah waxa ay sahay u sidday ciidamada Amisom waxaa shalay gelinkii dambe la filay in ay soo degto laakiin ay soo daahday taasi oo keentay in Qorax dhacii kadIb ay ku soo aado Garoonka Muqdisho kaasi oo ah mid aan shaqayn habeenkii waxaana diyaaradda lagu wargeliyay in aysan soo degi Karin waxaase markii dambe la isku dayay in la caawiyo,nasiib darro waxaa dhacday in diyaaradda ay ku dhacday Deegaanka Carbiska,sidaasi ayayna waxa u dhaceen. Haddaba waxaa haboon in Warbaahintu ay hubiyaan waxa ay tebinayaan ka hor inta aysan baahin waxaana haboon in ay qaataan warka ah inta aad noqon lahayd ka ugu horeeya ee Been sheega noqo kan ugu dambeeya ee runta sheega.

Abdulkaadir Mohamed Abdulle
Abdulkaadir44@gmail.com
+25261 5531581
+25261762232

Tristar Air cargo plane crash in Somalia - in pictures. October 13, 2015. An Egytpian-owned cargo plane carrying supplies for African Union soldiers crash-landed outside Somalia's capital Mogadishu on Monday.  Isha reteurs

Tristar Air cargo plane crash in Somalia – in pictures. October 13, 2015. An Egytpian-owned cargo plane carrying supplies for African Union soldiers crash-landed outside Somalia’s capital Mogadishu on Monday. Isha reteurs

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.