Home » Warar »

Daladda SOSENSA oo Dalbatey in Xoriyadooda dib loogu soo celiyo Wariyayaasha TV-ga Universal

Warsaxaafadeed

SOSCENSA waa Dalladda matasha Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Soomaaliya, xiriir wadashaqeyneedna uu kala dhexeeyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka dalka. SOSCENSA waxay si toos ah u meteshaa; dalladaha bulshada rayidka ah, ururrada xirfadleyda Soomaaliyeed, dalladaha waxbarashada, ururweynaha isutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed, iskaashatooyinka, qeyba ka tirsan saxaafadda madaxa bannaan, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, hay’adda culummada Soomaaliyeed iyo odoyaasha dhaqanka.

SOSCENSA waxay u xilsaaran tahay u ololeynta ka qeybqaadashada xasilloonida, midnimada iyo horumarinta dalka, taasoo waajib uga dhigeysa inay wax ka tiraahdo xaaladaha qallafsan ee waddanka lasoo gudboonaada.

SOSCENSA, Waxay ugu baaqeysaa Madaxda Qaranka, gaar ahaan wasaaradda amniga in dhammaan shaqaalaha iyo wariyeyaashaTVga Universal shaqadooda loo fasaxo xorriyaddoodana dib loogu soo celiyo sida uu qabo qodobka 18aad ee dastuurka, kaasoo qeexaya xorriyadda hadalka iyo saxaafaddaba.

Dalladdu waxaa kale oo ay dowladda ugu baaqeysaa in aan qof muwaadin Soomaaliyeed ah loo xirin si khilaafsan sharuucda dalka, taasoo inta badan dhacda in dowladdu u isticmaasho nidaamka awoodda xukunka deg-degga ah, taasina waa mid khatar ku noqon karta xasilloonnida amniga dalka maadaama kooxo iyo shacabka qaarkiis weli hubku gacanta ugu jiro.

Warbaahinta iyo suxufiyiinta madaxabannaan waxa ay xaq u leeyihiin in ay si madani ah isu difaacaan loona oggolaado in ay qareenno qabsadaan haddiiba ay eedeymo rasmi ahi jiraan.

Si gaar ah, waxaan u sheegaynaa hay’adda NISA in Dalladda Jilayaasha aan dowliga aheyn ee SOSCENSA aysan marnaba aqbali karin caburinta saxaafadda iyo suxufiyiinta ay ku heyso, sida xarrigga aan madaniga aheyn ee lagu xirey wariye: Cawil Dahir Salaad iyo Agaasimihii TVga Universal Cabdullahi Xersi Kulmiye.

Dalladdu, waxa ay ugu baaqeysaa xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka in uu ilaaliyo xaquuqda suxufiyiinta iyo saxaafadda madaxabannaan. Dalladdu, waxa ay ugu baaqeysaa guddiga amniga Baarlamaanka iyo guud ahaan BFS in ay dib u eegaan awoodaha xad-dhaafka ah ee Hey’adda NISA.

Dalladdu, waxa ay u soo jeedineysaa hey’adaha amniga dowladda in ay ilaaliyaan xaquuqda muwaadiniinta sida uu qabo xeerka xaquul insaanka, dastuurka ku meel-gaarka ee dalka iyo weliba sharuucda caalamiga ahba.Waxaan ka rajeyneynaa dhammaan hey’adaha uu baaqaani khuseeyo in ay siiyaan mudnaantiisa.

Aagaasimha Fulinta Dalladda SOSCENSA
Xasan Axmed Sadiiq
image

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.