Home » Warar »

Shabeelada Hoose Fiyatnaamtii Soomaaliya

Maalin Waliba waxaa Maqanaa ama Daawanaa in Deegaano ka tirsan Gobolka Shabelada Hoose ay ka dhaceen , Dagaalo,Qarax, Dil, Ismiidaamin, AFduuub iyo wixii la mid ah , waxaa markii Dambe na soo gaarey in Xerooyin ku yaala Gobolka loo dhacay oo wixii ku jirey halkaas lagu laayeeyey waxayna Dhacdooyinkaan ay imaanayeen markii Ciidamada AMISOM ay gaareen Gobolkaa oo ah Gobol Keymo badan oo Beeraha iyo Geed Miroodka ku wanaagsan, waxayna dadka qaar ay sheegeen in ay adag tahay in Gobolkaas si sahal ah arinteeda loo dhameeyo

Sida ay wax uga dhacayaan Gobolka Shabeelada Hoose dadka qaar waxay la mid dhigeen dagaalkii Fiyatnaam (VIETNAM) ,bal hadaba aan dib u qooraansano Dagaalkii Fiyatnaam oo dhacay 1954 ilaa 1975 dii , Maraykanka oo Wata Hubkii sii ugu dambeeyey oo ay ka mid ahaayeen Dabaabado, Diyaaradaha Dagaalka iyo Hubka meelaha Fog wax ka dila ayaa ku duuley Dalka Fiyatnaam isagoo Taageero siinayay Koofurta si looga hortago Kooxdii Koministiga ahayd ee Xukumeysey Waqooyiga Fiyatnaam , hase yeeshee Dagaalkaas Taariikda galey Markeykanka waxaa ka soo gaarey Khasaarihii ugu weyn wuxuuna joojin kari waayey Tabaha iyo Xeeladaha ay ku dagaalamayeen Waqooyiga oo markii dambe ku guuleystey in ay sii adkeyeen Midnimdii Wadanka Fiyatnaam, waxaa Dagaalkaas Mareynka ugua Dhintey 70 Kun oo Askari, Waxaa kaga dhaawacmey ilaa 200,000 kun oo Askari

Dagaalkii Fiyatnaam ee Mareykanka ku galey waxaa la dhihi karaa waxa jabiyey Deegaanka uu ka dagaalamayey oo uusan garaneyn oo u badnaa Dhul\ Howd ah oo Mareykanka marba Dhinac looga imaanyeen taasi waxay keentey in Kumanaan Ciidamada Mareykanka ay ku dhintaan Dagaalkaas , oo qaarkood Maxaabiis ahaan loo qabsadey , waxayna Mareykanka ku soo dedjisey in uu Maalin Cad uu ka cararo Wadankaas oo ilaa hadda Raadadki Dagaalka ay ka Muuqdaan , waxayna dadka indha indheeya ama Faaqida arimaha Dagaalada waxay kuu sheegayaan in Marekaynka Jabka ugu weyn oo loo sababeyn karo waxaa u ka raacay markii ay ku adkaatey in Ciidamadi Fiyatnaam uu ka soo saaro Dhulka Howdk oo aan laga weyneyn Biyo Baadka Xitaa waxaa la sheegey in Dhowr mar uu Mareynkanka uu isku dayey in uu Go’doomiyo hadaba Dhulkaas Marekanku ku jabey ee Fiyatnaam halkee ayaan la isaga barbar dhigi kara midka maalin waliba laga soo sheegayo Gobolka Shaeelada Hoose

.

Gobolka Shabeelada Hoose waa Gobol uu maro Wabiga Shabeele , waxaa lagu tiriyaa Gobolka ugu weyn Gobolada Dalka gaar ahaan Deegaanada inta ay isku jiraan sidoo kale Godoblka waxaa uu Xirir la leeyahay Gobolada Jubada Dhexe , Bay, Shabeelada Dhexe , sidoo kale Gobolka waa Gobolka ay ku yaalaan Keymo aad u Balaaran iyo Dhul beereed mar waliba aan lagawaayeenin Biyo iyo wax Afka la geliyo iyadoo taasi ay jirto waxaa ku sugan Ciidamo ka kala socda Wadamada Burundi iyo Uganda , waxaa labadooda Deegaankas ka soo gaarey Jabkii ugu weynaa gaar ahaan Dagaaladii ka dhacay Leego iyo Janaale oo labaduba ku yaalaan Gobolkaas, waxayna Labadaan Dagaal ay sababeen in Deegaano ay hore u joogeen Ciidamadas ay soo baneeyaan

Waxaa la shegey in Muran uu u dhaxyeeyo Wadamada Bixiya Magdhowga Ciidamada Amisom , waxayna qaarkood ay ku doodayaan in ay ku adag tahay in Magdhow ka bixiyaan Xero dhan oo Ciidamadoodii laga dhigey kuwa la diley iyo kuwa Maxaabiis ahaan loo qabsadey , Sarkaal ka tirsan Dalalkaas ayaa yiri “ Waa ay noo fududahay in aan Magdhow ka bixino Hal ma laba Askari oo la diley laakiin Xero dhan Suurta gal ma aha in aan MagDhow ka bixino waa in Dib loogu laabtaa Xaalada Ciidamada Amisom”

Dadka u Kuur gala arrimha Dagaalada waxay sheegeyaan in Ciidamada Amisom ay ku adkaan doonno in ay Dagaalkaas soo afjaraan , waayo waxay leeyihiin waa deegaan aad u Balaaran oo si sahal ah uu dagaalkiisa u dhamaan Karo marka la isku fiiriyo Dalka Fiyatnaam gaar ahaan Cimilada , ku dhuumashada Dhulka Howdka ah oo aan laga waayeen wax kasta o qof Baniaadam ah u baahan yahay sida Biyaha oo ah tan ugu Muhiimsan sidoo kale Dadkaas waxay Tusaale u soo qaateen Ciidamadii Itoobiya ee soo galey Soomaaliya sannadkii 2007 Gobolka Shabeelada hoose kuma nagaan waayo waxay ka Cabsi qabeen in uu Jab kaga yimaado .
image
Dagaalka Maalin waliba laga soo sheegayo Gobolka Shaeelada Hoose iyo Ku cel celinta Dowladda Federaalka ee ah in ay sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo gabagabeyn doono Dagaalka Gobolka Shabeelada Hoose waa mid ah Afka Baarkii ah waayo, Ciidamadii Dowlada ee la geeyey Gobolkaas waxaa la sheegey in ay gabi ahaan ay ka soo baxeen ka dib markii ay ka Cabteen Mushaar la’aan iyo Daryeel Xumo sidoo kale Dagaalka Gobolka Shabeelada hoose waxaa sii Cakariyey Dagaal Beeleeyada ka soo cusboonaadey Gobolka gaar ahaan Markii Ciidamada Amisom ay halkaa gaareen iyadoo dadka deegaan ay kuu sheegayaan in Gobolka inta aysan Ciidamadaas imaan ay dadka ku naaloonayeen Nabad iyo Xasilooni waxaa sidoo kale arrinta Gobolka sii Cakariye Isbaarooyinka yaalka inta badan Deegaanada Gobolkaas hadaba waxaan u wada joognaa halka uu ku dambeyn doono Xaalada Gobolka Shabeellada Hoose oo lagu Tilmaamey Fiyatnaamtii Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.