Home » Warar »

Bandhig loogu Magacdaray Mogadishu International Book Fair oo markii ugu horeysey Muqdisho lagu qabtey

Waxaa Hotelka City Palace ee Magaalada Muqdisho ka furmey Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho ( Mogadishu International Book Fair ) kaasoo socon doona muddo Saddex Cisho ah , waxaana ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Bulshada Rayidka , Qorayaal , Hal Abuurayaal, Ardeyda Jaamcadaha, Naadiga Hal Abuurka iyo Qalin Maalka Soomaaliyeed , Dhalinyaro Haween iyo Marti Sharaf kale .

Ugu horeyntii waxa halkaa ka Hadley Maxamed Shiikh Cali ( Maxamed Diini ) oo Hormuud u ahaa Dadkii soo abaabuley Bandhigaas Buugaagta oo markii ugu horeysey lagu qabtey Magaalada Muqdisho , waxaa uu yiri “ Maanta waxaa ii farxad ah in Muqdisho ay marti gelisey Carwo Caalami ag oo ay ka soo qayb galeen Qorayaal Caan isla markaan lagu soo bandhigo Kumanaan Kun oo Buugaag oo Xambaarsan Aqoon kala duwan . Sheekooyin iyo Maaweelo “


Waxaa sidoo kale halkaa ka hadley Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka Banaadir Iimaan NUur Iiikar waxaana uu yiri “ Waxaan u mahadcelinayaa Dhamaan intii Isku Soo Dubaridey in Muqdisho la qabto Carwo noocaan ah , waxaana aamin sanahay in meesha ay ka baxdey Sawirkii qaldanaa ee laga bixiyey Magaalada Muqdisho “ waxaa uu sii raaciyey “ Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda Tartamo Isboorti, Tartamo Dhaqanka iyo Hidaha , waxaana rajeynaa in kuwa intaa ka badan ay marti geliso Magaalada Muqdisho .

Qorayaal qorey Buugaag ayaa halkaa ka Hadley waxaana ka mid ahaa Shhiikh Cabdiraxmaan Abuu Xamsa oo faahfaahin ka bixiyey Buuugaagtii uu qorey , sidoo kale waxaa halkaa ka Hadley Sucdi Daahir Diiriye oo iyana ka faahfaahisey Buug ay qortey oo lagu magacaabi WAAD GUULEYSAN KARTAA , waxaa kaloo halkaa ka Hadley Sahro Kooshin oo iyAna ka warbxisey Buug af Ingiriis ku qoran oo lagu magacaabo Jabaqda Qosolka ah iyo Axmed Keyse oo isna qorey Buug lagu magacaabo Haley Garteen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.