Home » Warar »

Dalladda SOSCENSA oo War Saxaafadeed ka soo saartey Mooshinka laga Gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya

SOSCENSA waa Dalladda ugu ballaaran ee Matasha Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee Soomaaliya, xiriir wada shaqeyneedna uu kala dhexeeyo qeybaha kale ee bulshada Rayidka dalka. SOSCENSA waxay si toos ah u meteshaa; Dalladaha bulshada rayidka ah, ururrada xirfadleyda Soomaaliyeed, Dalladaha waxbarashada, Ururweynaha isutagga Shaqaalaha Soomaaliyeed, iskaashatooyinka, qeyba ka tirsan Saxaafadda Madaxa bannaan, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Hay’adda culummada Soomaaliyeed, odoyaasha dhaqanka iyo iwm.

SOSCENSA waxay u xilsaaran tahay; u ololeynta ka qeyb qaadashada xasilloonida, Midnimada iyo horumarinta dalka, taasoo waaji b uga dhigeysa inay wax ka tiraahdo xaaladaha qallafsan ee waddanka la soo gudboonaada.

image

Qiimeynta Xaaladda Dalka

SOSCENSA waxay in muddo ahba xogogaal u ahayd khilaafyada laamaha sare ee Dowlladda ka dhex taagan, Musuqmaasuq iyo ku Takrifal awoodeed oo xad-dhaaf ah, kuwaas oo curyaamiyey waxqabadkii Hay’adaha Dawladda Federaalka, rajo beelna ku riday shacbiga Soomaaliyeed oo dhibaato ku haysato meel kasta oo ay joogaanba.
Haddaba, arrintu waxay soo gaartay in 93 xildhibaan Mooshin xil ka qaadis ah ka keenaan Madaxweynaha JFS, iyada oo muddadii xil wareejinta dawladdu ka dhiman tahay 12 Bilood, taasoo u muuqan karta in ay abuurayso xasilloonidarro siyaasadeed iyo in dawladdu xilka aysan ku wareejin xaalad deggan.

Arritani waxay ku soo beegantay: Iyadoo Maxkamaddii Distuurka aan la dhisin, Maxkamaddii Sare oo dhammeystir u baahan waqtina qaadaneysa iyo Distuurka KMG iyo Shuruucda Waddanka oo aan si cad u qeexeyn Nidaamka xil ka qaadista Madaxweynaha, taasoo horseedi karta muran sharciyeed aan waqtiga uu dhammaanayo la sii qiyaasi karin.

Sidaas darteed, SOSCENSA waxay u aragtaa inaan la aqbali karin sii socoshada ku tumashada shuruucda dalka iyo Musuqmaasuqa baahsan ee lagu eedeynayo madaxda ugu sarreysa Dowladda, iyo in qas siyaasadeed la geliyo dalka, iyadoo aan weli laysla meel dhigin; habkii si wadajir ah looga wada shaqeyn lahaa in la suurtageliyo qaabkii loo soo dooran lahaa hay’adaha dawladda ee beddeli doona kuwa hadda jira, loogana faa’iideysan lahaa waqtiga 12-ka bilood ah.

Talo Soo jeedin:

Haddaba, SOSCENSA waxay soo jeedinaysaa in labada dhinacba aqbalaan waanwaan siyaasadeed oo ay hormuud ka yihiin shakhsiyaad Soomaaliyeed oo Bulshada iyo caalamkaba ku dhex leh sumcad wanaagsan.
SOSCENSA waxay ballanqaadeysaa intii karaankeeda ah inay gacan weyn ka geysato soo xulidda shakhsiyaadkaas iyo gudashada xilkoodaba.

Baaq:

SOSCENSA waxay ugu baaqeysaa labada dhinac in ay danta guud darteed tanaasul u sameeyeen, taasoo boqol jeer ka sharaf badan kana dhib yar qalalaase siyaasadeed.
SOSCENSA iyadoo tixgelinaysa dhibaatooyinka faraha badan ee heysta dadka Soomaaliyeed, kana hortagaysa inuu fashil siyaasadeed ku yimaado geeddi socodka dawlad dhisidda iyo nabadeynta Soomaaliya, waxay beesha caalamka u soo jeedinaysaa, cunaqabateyn iyo la xisaabtan dhinac walba ah inay saaraan ciddii ka hortimaadda talo jeedinta kor ku xusan.

SOSCENSA waxay Dadka Soomaaliyeed u sheegaysaa in khilaafka hadda ka dhex jiraa dawladda ka culus yahay khilaafyadii hore uga dhex dhici jiray sidaa darteed, waxaan ugu baaqeynaa Shacabka Soomaliyeed meel kasta oo joogaanba inay u midoobaan danta guud iyo sidii xal loogu heli lahaa mushkiladdan siyaasadeed.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.