Home » Warar »

Mashruucii ugu weynaa indha-fiiq lacag la’aan ah oo dalka looga dhawaaqay

Ururka Manhal Save vision oo ah ururka ugu weyn ee ey ku bahoobeen dhakhaatiirta indhaha dalka ayaa soo bandhigay mashruuc sanadle ah oo noqon doona mashruucii ugu weynaa indha-fiiq lacag la’aan ah oo dalka gudihiisa ka hanaqaada.

Mashruucan oo ah mashruuc iskaa wax u qabsa ah oo uusan ururku la kaashan doonin cid aanan aheyn umada Soomaaliyeed ayaa waxaa sanad kasta ka faa’iideysan doona 3000 (sadex kun) oo qof oo ku nool guud ahaan gayiga ey dagto umada Soomaaliyeed, wuxuuna noqonayaa mashruucii ugu horreeyay oo sidaa u weyn oo aanan fulintiisa loo hoostagin hey’ado iyo ururo ajaanib ah.

Indha la’aanta gudaha bulshada Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 1.2%. In ka badan boqol kun oo qofood ayaa indha la’ (blind) ama aragoodu ka hooseeyaa inti noloshooda uga baahnaayeen (visual impairment), waxa ugu badan ee keena indha la’aanta bulshada waa caadka (cataract) oo fuula cadasada gudaha ku jirta ee isha, mana lahan dawo aanan aheyn in qalliin lagu saaro laguna badalo cadasad artifishal ah (artificial lens).

Isbitaallada ey ka howlgalaan dhakhaatiirta ururka Manhal Save Vision ee ku kala yaalla Muqdisho, Hargeysa, iyo ololaha indha-fiiqa ee ey ka sameeyaan bariga, bartamaha iyo koofurta Soomaaliya waxaa bil kasta indhaha loogu fiiqaa kumannaan kamid ah dadka awooda in ey qalliinnada iska bixiyaan, balse waxaa jira tiro ka badan intaa oo la nool indha la’aanta maadaama eysan awoodin qarashaadka qalliinka, arrintaasi waxey dareensiisay dhakhaatiirta ururka Manhal Save Vision masuuliyad dheeraad ah oo la xariirta dadka tabaaleysan ee la nool indha la’aanta. Golaha dhakhaatiirta indhaha ee Manhal Save Vision waxey go’aamiyeen qodobadan hoose:

1. in sanad kasta bisha March indhaha loo fiiqo 3000 (sadex kun) oo qof oo ku nool sadex gobol ee ey sanadkaas dhakhaatiirtu u arkaan in ey ka jirto baahida ugu badan, iyadoo sanad kastaba gobolladan isbadalayaan.

2. In ururka uga qeyb galo sadex weji oo kale ah A) in ey sameeyaan tabarrucaad dhaqaale, B) in ey sameeyaan qiima dhimis 65% inta wax lagu qalo dalka, iyadoo inta soo hartay loo adeegsan doono kabida imkaaniyaatka ku baxaya qalliinka. 3) in ey dhakhaatiirtu gacantooda ku filliyaan.

3. In laga maarmo ajnabi oo ey umadu isku tiirsanaato, mashruucan sanad kastaba waxaa lala kaashanayaa umada Soomaaliyeed, qofki bixiya 50$ wuxuu sabab u noqonayaa hal qof oo aragiisa dib u hanta, waa wax yar oo uu qofku wax weyn ku qaban karo, sidaa darteed ka qeeb galka mashruucan waa mid u furan qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu joogo, gaar ahaan ganacsatada iyo shirkadaha.

4. laga billaabo 15-ka bisha August 2015 in albaabada loo furo ciddii dooneysa in ey u tabarrucdo mashruucan iskaa wax u qabso ah sanadkiisa koobaad ee 2016.

image

Hadii aad dooneysid in aad mashruucan wax dheeraad ah ka ogaatid, ama aad u tabarrucdid, waxaad la xiriiri kartaa isbitaallada, shaqsiyaadka, iyo ciwaannada hoos ku xusan, ku tabarruc qof walaalkaa ah oo aad sabab u noqotid in uu dib wax u arko:
image

Isbitaalka Al-Ixsaan, Muqdisho: Dr.Maxamuud Shiine

Isbitaalka Manhal, Hargeysa: Gudoomiyaha ururka Dr.Axmed Xalaal

Xarunta indhaha Laag-Barako, Hargeysa: Dr. Axmed Nuur Ismaaciil

Ama: Tel.Number: +252633501391, manhalsavevision@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.