Home » Warar »

WARQAD FURAN OO KU SAABSAN SHIIDAALKA S00MAALIYA IYO SHIRKADAHA KU TARTAMAYA.

Dowladda Norway oo daneyneysa Shidaalka Somalia laakiin usoo maraysa waddo khaldan.

Bashir Sheikh Moxamed oo daggan dalka Netherlands Isla markaana ahaa Diblomaasi hore ee Soomaaliyeed, ayaa wuxuu talo ahaan u soo jeedinayaa in shidaal baarista Soomaaliya lagu soo dhaweeyo Dowladda Norwey iyo shirkadaheeda Shidaalka, laakiin runta in loo sheego.

Soomaaliya birrrigeeda iyo baddeeda waxaa ka buuxa kheyraad aad u badan sida: shidaalka, macdanta, beeraha, kalluumeysiga iyo xoolaha nool.
Shacabka Soomaaliyeedna waxey baahi u qabaan inay ka faa’ideystaan khayraadka uu dhulkooda hodanka ku yahay, cid walba oo ka caawimaysana gacmo furan ayey ku soo dhaweynayaan.
Shaacabka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin ilo dhaqaale oo ay kaga soo kabtaan burburkii ay mudada dheer ku soo jireen, iyo inay waddankooda dib u dhistaan,
Shacabka Soomaaliyeed, Dowladooda iyo Barlamaanka intaba waa ka midaysan yihiin in aan lagu soo faragelin kheyraadka waddankooda ka buuxa, taasna waxaa tusaale cad u ah Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Somalia iyo Golaha Wasiirada Dowladda waxay diideen oo wax kama jiraan ka soo qaadeen khiyaano iyo boob ay wadatay Dowladda Kenya.
Shacabka Soomaaliyeedna waa u riyaaqeen, waana ku taageereen Madaxdooda.

Shidaal baarista Somalia waxay soo bilaabatay 1960, waxayna soo martay marxalado kala duwan, waxaana jira waddaniyiin Soomaaliyeed oo isha ku haaya dhaqdhaqaaqa shidaal baarista Somalia iyo isbeddelka mar walba ku soo kordha.

Shirkadaha Shidaalka ee Norwey iyo dowladoodaba waxay aad u daneynayaan shidaalka Soomaaliya ka buuxa, laakiin waxay u soo marayaan waddo khaldan, taasoo ah iyagoo la macaamiltamaaya Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, Dowladda Somalia iyo Shacabkeedana ay ka soo qaado ummad aanan jirin, islamarkaana aan la aamini karin.

Ummadda Soomaaliyeed waxay abaal weyn u hayaan Dowladda Norway taageerada ay mar walba u fidiso shacabka Soomaaliyeed iyo sida xushmadda leh oo ay u soo dhaweeyeen Soomaalida waddankooda u soo qaxay.

Waxaa nasiib daro ah in dowladda Norwey aay naga jecleysato dowladaha dariska la ah Soomaaliya, kana dhigato dulaalo wakiil uga ah Shidaalka Soomaaliyaa, qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyana ay u goyso.

Dowladda Norwey waxay haysataa fursad aad u weyn oo ay kula macaamili karto Dowladda Somalia iyo Shacabkeeda, haddii kale tartanka waxaa soo gali doona waddamo kale oo heshiis wadashaqeyn iyo iskaasi la yeelanaya Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda. Soomaaliya oo dhan waxaa ku filan 20% dakhliga Shidaalka ka soo baxa, 80% ay qaataan ilaa mudada lagu heshiiyey, waana fursad aad u weyn.

Soomaaliya waa Qaran madax banaan oo leh xuduudo dhul iyo bad, una madaxbanaan iney heshiisyo caalami ah la saxiixato waddan kasta oo ilaalinaya Qaranimada Soomaaliya, si wadajir ahna looga faa’ideysanayo khayraadka ka buuxa Soomaaliya.

Waxaan talo ahaan u soo jeedinayaa in Shidaal Baarista Somalia loo Madaxbaneeyo Dowladda Norway iyo Shirkadaheeda shidaalka, waa haddii ay u soo marayaan wadada toosan, oo ay si toos ah ula macaamiltamayaan dowladda Somalia iyo Shacabkeeda, isla markaana ilaalinayaan Qaranimada Soomaaliya.
image
Bashir Shekh Moxamed
Former Somali Diplomat

bashirmohamud@yahoo.com

………

Bashir Shekh Moxamed oo bartiisa Facebook kusoo daabacay arrin ka hadleysa shiidaal baaristii (Raskambooni illaa Garacad) ee Soma Oil.
image
1980kii waxaa shiidaal baaris laga sameeyay Raskambooni illaa iyo Hobyo. Waxaa sameyay Western Geco oo laga leeyahay Norwey, waxaana wadday Schlumberger. Kharashkii ku baxay shiidaal baaristaas oo ahayd 2 Malyan oo Doolar waa la baxshay, deeq BILATERAL AID ah oo Norwey bixisay bay ahayd.
Ka arag linkiskaan hoose:-
https://somalitalk.com/2009/may/13/badda125.html
( Baaritaankaas kharashka ku baxayay oo dhamaa $10 milyan oo doollar, waxaa bixinayay dowladda Norway. Kharashkii baaritaankaas hore ku baxay waxuu ahaa $2 malyan oo doolar, siddeeddii malyan oo doollar oo hartayna Norwey dib ayey ula laabatay oo waxay dheheen kharashkan waxaan ugu tala galnay baaritaan batrool).

Haddii Shiidaal baaristii (Raskambooni illaa Hobyo – Garacad) si dadban naloogu keenay (Soma Oil), waa in Dowladda iyo Baarlamaanku ku gor-gortamaan kharashkaas, sababta oo ah shiidaal baaristaas waxaa iska lahaa QARANKA SOOMAALIYEED bacdamaa kharashkii la baxshay.

Ma ahan in hadda lala yimaado 40 Malyan ayaa ku baxay shiidaal baaris laga sameeyay (Raskambooni illaa Garacad). Taas baa keentay in la dhoho:-
http://www.bloomberg.com/news/articles/2015-05-28/somalia-may-pay-90-of-oil-revenue-to-explorer-under-draft-deal

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " WARQAD FURAN OO KU SAABSAN SHIIDAALKA S00MAALIYA IYO SHIRKADAHA KU TARTAMAYA. "

  1. aad ayaan u soo dhawaynayaa cid kasta oo soomaali gacan qabanaysa oo wax u soo saaraysa ,soomaali gaajo ayaa haysa intaas uun bay isku hays taan haday shidaal helaan waa heshiin lahaayeen.

  2. Walaal Somali Y. Polit. league.
    Qiyaasta sicirka wax wada qeybsiga aan soo tilmaamay 20%, waa
    midka ugu hooseeya, waxaana usoo qaatay matalo ahaan
    in xattaa kaas uu nagu filanyahay.
    Howshaas markii la gaaro waa la helayaa Soomaali heshiisyada
    ku taqasusay una fara dhuudhuuban.
    Fikraddaada waa soo dhaweynayaa.

  3. Cid kastoo shisheeye ah ee xurmeynaysa jiritaanka Soomaaliya iyo dowladnimadeeda, oo inoo soo saarta shidaalka waa soo dhoweynaynaa, qiimaha qol kasta ay qaadaneysan waa laga wada hadlayaa, hadda oran maayo waa sax ama khalad qiimaha uu Bashir kala siiyey Soomaalida iyo cidda u soo saareyso shidaalka