Muqdisho, July 26, 2015 – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane,Ali Mohamed Ali ,Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti geeridii ku timid Allah u naxariistee Danjire Roble Olhaye oo 22 July 2015 ku geeriyooday dalka Mareykanka , isagoo ahaa Ergeyga Dowladda Djibouti u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee New York iyo Danjiraha u fadhiya Magaalada Washington .
Marxuum Roble Olhaye oo ka mid ahaa Safiirada khibradda dheer ee dalkaasi Djibouti ayaa lagu xasuustaa kaalintiisa muuqata ee uu ka qaatay xal u raadinta wadamo qalalaase siyaasadeed iyo ammaan uu ka jiray oo ay ka mid tahay Haiti .
Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, qoyskiisa , eheladdiisa iyo asxaabtiisana Sabar iyo Iimaan ka siiyo – Aamiin.
INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
Tweets by MOFASomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.