Home » Warar »

Al-Rahmah ​Foundation oo Afur kuqeybisay Xamar

Al-Rahmah Foundation For Education And Development oo 150 qoys ugu qeybisay musaacado afur ahaan magaalada Muqdishu. Dadkaas oo aad utabaalaysan ayaa kasoo qaxay wadanka Yemen oo indhaweedba kudayacnaa daafaha magaalada Xamar. Al-Rahmah ayaa gudoonsiisey qoys weliba 25 kg bur, 25kg bariis, 25kg sonkor, 3 litter saliid, 8kg timir iyo hal qasac oo caano boora ah.
image
image

Siduu sheegey madaxa Al-Rahmah Dr. Cabdi-nuur Faarax Taano, kaalmadan ayaa aheyd mid kasoo gaartay walaale Soomaaliyeed oo wadanka dibidiisa jooga. Dr Taano arintaas kahadlaya wuxuuna yiri:

Waxaan ugu mahad celineynaa walaalaha Horn Africa Aid oo ugu horeeya walaalka Sh. Axmed Ibraahim wadashaqeenta nadhexmartay. Labo jeer ayey wax soo kala direen oo isku dhan $ 11’000 oy ugutalo galeen dadka walaalahood ee Xamar kuduruufaysan. Waxaan oronkaraa waa mashrii uhoreeyey ee aan wada fulino, waxaana rajaynayna inaan mustaqbalka dhowr sii wadidoona iskaashiga noocaan ah.

Anaga hadaan nahay Al-Rahmah waxaan diyaar unahay inaan lashaqeyna dhamaan hay’adaha kashaqeeya majaalka khayriga oo dhan ayadoo la ixtiraamayo shuruudaha labada dhan. Ugu dambeen dhamaantayada waxaan u adeegeyna ummadda.

Dhankale, Al-Rahmah Foundation for Education and Development waxay udireysa dhamaan dadka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan salaan ku aadan munaasabada Ciidul Fitirka. “Waxaan Allah weydiisanayna inuu naga aqbalo cibaadada iyo sadaqaadka bishan; iyo inuu sanadka dambe nabad iyo caafimaad nagu gaarsiiyo”

Xafiiska Calaaqaadka iyo Warbaahinta Al-Rahmah

Balad-Xawo, Somalia. Tel: +25261-791-2222 Abuzuhri1@gmail.com​

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.