Home » Warar »

DFS oo Hague u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya kuna saabsan soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya

War Saxaafadeed kasoo baxay DFS ayaa u qornaa sidan:
image
The Hague, July 13, 2015 – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , waxaa ay maanta Maxkamadda Caddaaladda ee fadhigeedu yahay Hague, dalka Netherlands, u gudbisay dacwad ka dhan ah Jamhuriyadda Kenya kuna saabsan soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda Soomaaliya waxay Maxkamadda weydiisatay in ay cayinto soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya ee Badweynta India oo ay ku jiraan biyaha dalka, aagga dhaqaale ee gaarka ah, geyi-qaaradeedka iyo geyi-qaaradeed wixii ka baxsan 200 oo nautical mayl.

Dacwadda waxaa gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, oo ay wahliyaan Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Waddamada Benalux iyo Midowga Yurub, Dr. Cali Saciid Faqi, Qareenka Soomaaliya u qaabbilsan dacwaddan, Muna Sharmaan, Qareenno iyo khubaro kale. Waxaa dacwadda guddoomay Diiwaanhayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda, Philippe Couvreur.

Soomaaliya waxay rumeysan tahay in kiiskeedu uu ku qotomo sharciyad culus, waxayna Maxkamadda ka sugeysaa go’aan caddaalad ah.

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

…..english version…..

Press Release

July 13, 2015

Today, the Federal Republic of Somalia (the “Somali Government”) submitted its written pleadings (Memorial) in its maritime delimitation case against the Republic of Kenya (the “Government of Kenya”) to the International Court of Justice (the “Court”) in The Hague, the Netherlands. The Somali Government submitted its Memorial to the Registrar of the Court, Mr. Philippe Couvreur, pursuant to the Court order of 16 October 2014, fixing 13 July 2015 as the time limit for the Somali Government to submit its Memorial.

In the Memorial, the Somali Government requests the Court to establish a maritime boundary between Somalia and Kenya in the Indian Ocean delimiting the territorial sea, exclusive economic zone, and continental shelf, including the continental shelf beyond 200 nautical miles.

The Somali Government strongly believes in the strength of its legal case and looks forward to a fair and just decision by the Court.

Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page

https://www.facebook.com/mofa.somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " DFS oo Hague u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya kuna saabsan soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya "

  1. faisal roble says:

    Somali Talk,

    Waxaan aad iyo aad idiin ka mahad celinayaa sida khibrada leh eed mawduuca bada Soomaaliyeed aad cilmi baadhis taam ah uga samayseen. Reportskiina ayaa mudo afar saac dhan maanta (7.19.2015) akhriyey. Aad baan uga mabsuuday. Job well done.

  2. cabdiqani sayn says:

    Dacwada intaan la gudbin mala soo rog rogay oo ma fiiriyey meshay ka jilicsan tahay Iyo maxaa diiday in la isku yeero marka hore khuburadii somaliyed ee Sharciga aqoonta u lahaa madaxdii wadanka soomaliya Sharcigada bada u dajisay khuburadii dowladihi soomaliya u matali jiray shirarka Badaha caalamka ee yaqanay sharciyadeda waxaan kale oo jira jamacada carabta sharci yaqano sare oo Latalin ka bixiya malala wadaagay Kenya diyaar garow mudo sanado ah ilaa 2009 ah ayey ku jirtay soomaliduna waxa ii muuqata inay xamaasad bilo ah ku qotonto dacwadu, aadban Uga welwelsanahay diyaarinta dacwada Iyo culayskeda allaha nagu guuleeyo.