Home » Warar »

Kenya oo Sheegtay in Soomaaliya ay ka laabanayso Dacwaddii Xuduudda Badda

Kenya ayaa sheegtay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay ogolaatay, diyaarna u tahay, in ay ka laabato dacwaddii ku saabsanayd xuduud badeedka, islamarkaasna arrintaas lagu xalliyo dhexdhexaadin aan maxkamadda ahayn.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Kenya Aamina Maxamed ayaa Baarlamaanka Kenya u sheegtay in Soomaaliya ay ogolaatay dhexdhexaadin aan ahayn Maxkamadda Adduunka, maxkamaddaas oo diyaarinaysey dhegeysiga dacwaddaas, sidaas waxaa qortay jariidadda BusinessdailyAfrica.

Soomaaliya waxay hore maxkamadda Adduunka ee Hague u weydiisatey in ay kala xadayso badda u dhexaysa labada dal – Somalia iyo Kenya – oo isku khilaafsan cidda leh sahaminta aaggaas iyo dakhliga kasoo baxa batrool halkaas laga daahfuro, ayey qortay jariidaddu.

“Waxaan ballan-qaad ka hellay Dawladda Federaalka Soomaaliya kaas oo muujinaaya sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka laabtaan dacwaddii ay ka diiwaan geliyeen New York ee ka dhanka ahayd annagga (Kenya) ayna dib uga laabanaynaan dacwaddaas si markaas aan dhexdeena u xallisanno arrimaha la xiriira xuduud badeedka,” sidaas waxaa tiri Aamina Maxamed.

Jariidaddu waxay qortay in Soomaaliya ay doonayso in xarriiqda xuddud badeedka kala barta ay u socoto jihadda Koonfur Bari, halka Kenya ka dooneyso in xarriiqdaasi loo jiifiyo dhanka jihada Bari taas oo Kenya siineysa dhul badeed dheeri ah. Waxayna meel kale qoraalkeeda jariidadda businessdailyafrica kaga xustay in arrintaas ay mar hore is hor taageen baarlamaanka Soomaaliya.

Dhawaan waxaa Kenya soo bandhigtay siddeed aag (8 blocks) oo ddiyaar u ah in ay ku bixiso shatiyada shidaal sahaminta. Siddeedaas aag waxaa toddoba (7 blocks) kamid ah ay kujiraan gudaha  dhul-badeedka la isku haysto, ayey qortay jariidaddu.

Haddaan halkaas kaga gudubno warka jariidaddu qortay, waxaa hadalka wasiiradda arrimaha dibadda Kenya uu kusoo beegmay xilli ay dhawaan New York tageen waftiyo kasocdey Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid ahaa Raiisul wasaare Cumar cabdirashiid.

Waxaa in badan oo shacabka Soomaaliyeed rumaysan yihiinin dacwadda badda ay Soomaaliya u gudbisay Hague ay ahayd mid loogu qiil bixinayo in Kenya lagu wareejiyo baaxad ballaaran oo badda Soomaaliya ah- arrintaas waxaa muujinaya dacwadda aan markii hore laga fiirsan iyo DFS oo u muuqata inay geed dheer iyo mid gaabanba u martay sidii ay u baabi’in lahayd xeerka badda Soomaaliya ee law no 37.

Isha: www.businessdailyafrica.com/Kenya–Somalia-in-talks-to-end-border-row-out-of-UN-court/-/539546/2769464/-/k769ojz/-/index.html

“We have received a pledge from the Federal Government of Somalia indicating readiness to withdraw a case it filed in New York against us and pull out of the case for us to resolve maritime boundary issues,” said Ms Mohammed.

image

Sawirka aminarts
image

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.