Taariikh : July 01, 2015
Muqdisho – Soomaaliya
War saxaafadeed (Nuqul Af-Soomaali) – Faafin Degdeg ah
Maalmihii ugu dambeeyay , warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan ,iyadoo aan la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ,taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan.
Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).
Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay.
Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay .
Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations
Follow us on Twitter and Connect to our Facebook page
Tweets by MOFASomalia
https://www.facebook.com/mofa.somalia
ppublicrelation@gmail.com
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.