Home » Warar »

CIIDANKA AMISOM OO GAWAARI AY DAD SHACAB LEEYIHIIN KU GUBAY BUUR-HAKABA

Ciidanka Amisom oo marayey Buurhakaba ee Gobalka Bay oo gawaari ay leeyihiin dad shacbi ah ku gubay Degmada Buurhakaba, Baabuurta lagu gubay ayaa waxay ahaayeen laba baabuur oo ah kuwa xamuulka iyo isjiidyadooda oo waday hantI gaareysa 1559 badeeco oo isugu jiray Bur,Sokor, Saliid,Baasto,Bagaash noocyadiisa kala duwan iyo qalabka dhismaha iyagoona dil barer ah u geystay kaaliyii darawalka ama kirishbooyga.

Dhacdadan ayaa waxay ahayd fal loo geystay dad ganacsato ah taariikhdu markay ahayd 12/06/2015 falkan ay ciidamada Amisom u geysteen ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo xilliyo hore ay ciidamada Amisom si bareer ah dad ugu dileena uguna dhaawacmeen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.

Mid kamid ah dadklii ka badbaadayey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in falkani uu ahaa mid si,ula kac ah loogu geystay dad Soomaaliyeed oo ganacsigooda watay marayeyna Buurhakaba oo ka tirsan gobalka Bay.

sawirada riix si aad u aragtid sawirka oo weyn

Dhibanayaashan ayaa waxay ka codsadeen Dowlada federaalka Soomaaliyeed Wasaaradeeda arimaha gudaha iyo laamaha amaanka in arintaan la soo farageliyo waxna laga qabto ayna u fududeeyaan dadkaasi sidii ay u helli lahaayeen xaqooda

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.