Home » Warar »

Wiil uu Dhalay Abwaan Sangub oo lagu diley Minneapolis

Wiil da’diisu ahayd 25-sano-jir ayaa lagu diley magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Qiyaastii 10:45 ee fiidnimo ee Axaddii ay Isniintu soo geleysey ayaa dilkaasi toogashada ah ka dhacay xaafadda Cedar ee Soomaalidu u badan tahay.

Sida ay qortay jariidadda Startribune waxaa la arkayey laba nin oo kasii cararayey goobta toogashadu ka dhacday, welina cid looma qaban dilkaas.

Booliska ayaa degdeg usoo gaarey goobta, islamarkaasni waxaa loo qaaday cisbitaalka halkaas oo uu marxuumka ku geeriyoodey.

Sida loo xaqiijiyey jariidadda Startribune, wiilka la diley waxaa aabbe u ahaa abwaan Mahamud Abdulahi Isse, oo ku magacdheer Sangub.
image
Ciddii war ka haysa dilkaas waxaa boolisku weydiistey in ay la xiriiraan telefoonka 1-800-222-8477 ama text qarsoodi ah u diraan 274637 ayagoo dhambaalka ku bilaabaya: TIP 674 ama wacaan lambarka booliska Minneapolis 612-692-8477.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wiil uu Dhalay Abwaan Sangub oo lagu diley Minneapolis "

  1. Inaa lilaahi wa inaa illahay raajicuun. Alle ha u raxmaddo marxuumka. Naxariistii iyo jano allaha ka waraabiyo.

    Abwan sangub iyo qoyskii uu ka tagey marxuumka waxaan Alle ugu baryeynaa inuu u geliyo booska wiilkooda, wax khery qaba. Samir iyo Imaan aan la soo koobi karina ha ka siiyo Abwaanka.

    Abwaanka Khery Badan Alle ha siiyo wiilkiisa aad buu jeclaaa, cida dilka u geysatan waxaan leenahay, waxaa tihiid Damiir laa wayaal, an lahayn Nariis beni aadanimo. waa arin aad looga xumaado, lagana naxo dilalka loo geysanaayo Dhalinyaradda Soomalida ah ee ku dhaqan Cariga Mareykanka.

    Dowladda Marakeynka waa Iney keenta War cad, iyo Cida ka dambeysa Dilka Wiilka. iyo weliba dhalinyaradda Soomalida ah ee lagu dilo dalka Marekanka?

    Dowladda Somaliya waxaan ka codsanaya iney de dejiyo Safiirka Cusub ee Mareykanka, si uu howl galo, una bilaabow howlihiisa Safiirnimo.

    Dhalinayradda Dalka mareykanka meelo badan ayay ka dayacan yihin. Dalka ay joogana maha mid saacida dhibaatadda,shaqo la’aanta iyo xaalda nololeed ee ku hareereysan Dhalinta Qurba joogta Soomalida ah.

    Alle ha u naxaristo marxkuumka. aamiin Ya rabi

    Dowladda marakeykanka waxaa laga codsanayaa iney Soo qabato Dambilaayasha, iyo cida ka dambeysay dilka.