Home » Warar »

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Munaasabadda Furitaanka Kalfadhiga 5aad Ee Baarlamaanka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa
magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga qeybgalay
Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Uganda.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka Uganda oo lagu marti
qaaday Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Afrika ayaa waxaa
sanadkan uu ka gedisnaa sanadihii hore ayadoo goobtana lagu soo
bandhigay Baarlamaanka 9aad ee Uganda mudadii uu jiray, waxyaabaha u
qabsoomay iyo halka uu hiigsanayo.

Madaxweynaha dalka Uganda Uweri Museveni oo goobta ka jeediyey khudbad
dheer ayaa waxa uu ka hadlay hormarka dalkiisa uu gaaray iyo dagaalka
ay dalalka gobolka geeska afrika kula jiraan maleeshiyada kooxda
Al-Shabaab oo uu tilmaamay in Uganda ay si aad ah uga feejigan tahay
xiligan weerarro uga yimaada dhanka argigixisada, sidoo kalena waxa uu
xusay in Dowladda Uganda ay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah
Al-Shabaab.shirka

Guddoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka,haweenka iyo carruurta ee
Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac oo ka mid ah
wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka hogaaminayo ayaa u sheegtay
warbaahinta in Munaasabadda intii lagu jiray uu Guddoomiye Jawaari la
kulmay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada kasoo qeybgalay.

Maalinnimada berrito ah hadii uu Alle idmo waxaa xarunta Baarlamaanka
dalka Uganda oo ku taala magaalada Kampala ka dhici doona kulan ay
wada yeelan doonaan Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Soomaaliya iyo
Uganda kaasi oo quseeya iskaashiga iyo xirirka sii xoogeysanaya ee
labada Baarlamaan.

—-DHAMMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.