Home » Warar »

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ka socda Dowladda China .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Khaalid Cumar Cali ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Ergey gaar ah oo ka socda Madasha Iskaashiga China-Africa ( Focac) Mr. Liu Guijin oo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda ,ammaanka iyo fulinta mashaariic horumarineed .

Kulankan oo ay ka wada qeybgaleen Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta , halka dhanka China ay goob-joog ahaayeen Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka China u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr. Wei Hongtian iyo diblomaasiyiin kale .

Mr. Liu Guijin ayaa sheegay inuu Soomaaliya u yimid inuu arko horumarka ka jira , kalana hadlo dowladda Soomaaliya arrimaha ammaanka , horumarinta iyo iskaashi wadajir ah oo balaaran oo labada dal ay yeeshaan .

Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay qorsheyneyso sidii ay u heli laheyd deeqaha horumarinta Dowladda China ay siiso Wadamada Africa , si loo fududeeyo howlaha dib u dhiska , maalgashiga iyo wax wadaaga labada shacab ee Somaaliya iyo China .

Mudane, Khaalid Cumar Cali ayaa xusay in “ Focac sanad waliba ay sameyso qoondo lacageed oo lagu horumariyo Africa , Soomaaliyana ay baahi weyn u qabto helidda qeybta ay ku leedahay barnaamijkaasi wax ku oolka ah , isagoo cadeeyay in Dowladda China ay dalka ka fulin doonto qorshe balaaran oo dib loogu dhisi doono , laguna dayactiri doono dhismayaal iyo waddooyin .

Wasiiru dowlaha , wuxuu tilmaamay in China ay tahay dowlad saaxiib la ah Soomaaliya, xiriir qoto dheerna ay leeyihiin labada dal , waxa uu yiri “ Soomaaliya oo ah dal hodan ah oo leh dhul bacrisan oo ku haboon beerashada iyo kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badda iyo beriga , ayaa waxaanu dooneynaa inaanu helno qaab kheyraadkaasi lagu heli karo , loogana faa’ideyn karo dalka iyo dadka Soomaaliyeed”.

image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.