Home » Warar »

Madaxweyne Lacagta aad Xayesiineyso Teenii Ma ahan !!

Dadka Soomaaliyeed waxay yiraahdan “ Dhar Aaddan lahayn Dhaxan Kaama Celiyo , waxaana Murtidaan u soo qaatey markii ay ii soo baxdey arrimo aan is dhihi karo Khatarteeda ayey leedahay oo Halis gelin kara Jiritaankeenna , iyadoo taasi ay jirto ayaa Dal marka uu ka mid noqonayo Qaramada Midoobey waxaa uu Diwaangeliyaa Dhowr Arimood mid waa Astaanta Calanka oo uu Dalkaasi leeyahay gaar ahaan Midabkiisa si uusan u qaadan Dal kale oo Xorriyada kaga dambeeya , sidoo kale waxay Diwaangelisaa,Tirada Dadka ku nool Wadankaasi (Population),waxaa kale oo Qaramada Midoobeey ay Diwaangelisaa Xuduudaha uu Wadankaasi la leeyahay Wadamada Deriska la ah ha noqoto dhinaca Dhulka iyo Badda, waxaa kale oo iyana ay Qaramada Midoobey ay Diwaangelisaa Nooca lacagta uu isticmaalyo Wadankaasi, waxayna Dhamaan Astaamahaasi ay noqonayaan kuwa lagu garto Qaran qaatey Xornimo

Aan soo qaadano Astaana Lacagta oo ah mid ka mid ah astaamaha uu Qaran leeyahay waxaana Soomaaliya Qaramada Midoobey uga Diwaangashan lacag lagu Magacaabo SHILIN oo weliba lagu Xardhaa hadba waxaa uu dalka Taariikh ah uu leeyahay,

hadaba lacagtaasi waxaa lagu jaan gooyaa wax kasta oo uu Wadankaasi leeyahay gaar ahaan marka ay timaado wax kala iibsiga iyadoo Lacagta Shilin Soomaaliga ay soo martey marxalado kala duwan , markii aan qaadaney Xoriyada waxaa Qarankii markaasi jirey ay isku qabsadeen magaca ay qaadanayso lacagtaasi, hase yeeshee, waxaa markii dambe la go’aamiyey in la qaato magaca lacagta SHILIN-ka,waxaana Xiligi Xoriyadda la daabaxay Lacag shilin Soomaali ah oo dadka qaar ay noo sheegeen waxaa ugu weynaa Labaatan Shilin , kadib ayaa waxaa la soo daabacay Boqol Shilin .hase yeeshee dadka waxay si aad ah wax ugu iibsan jireen , Taanno, Kumi , Nu-shilin, Shilin,Shan Shilin, Toban Shilin, laabaatan Shilin, Konton Shilin, Boqol shilin, Shan Boqol iyo Kun Shilin oo maanta ka soo hartey Lacagahaas oo dhan

Dowladiihii soo marey Soomaaliya Burburkii ka dib waxba kama aysan qaban hoos u dhaca Shilinka Soomaaliga , iyadoo maanta Shiln Soomaaliga uu marayo meeshi ugu hooseysey , Tusaale Dowladda hadda jirta waxay ku shaqeysaa Doolar , Miisaaniyadeeda waa Doolar, Shaqaalheeda waxay qaataan Doolar , Ciidamada waxaa Mushaar lagu siiyaa Doolar,Waxay wax ku imageCanshuurtaa Doolar, ,Shay kasta waxaa maanta lagu Sargooyaa Doolar marka maanta sow sax ma aha Haddii aan ku dhiirado in aan iraahdo Dowlada waxay ku faraxdaa in Doolarku qiimahiisa uu sareeyo sidii iney iyadu leedahay ,Waxayna taas badelkeeda ka naxdaa in Shilin Soomaaliga uu qiimo yeesho, Sababtoo ah haddii Shilin Soomaaliga uu qiimo yeesho waxaa Hubaal ah in uu Doolarka ay Mushaar ahaan u qaataan uu hoos u dhacayo

Aniga oo taa ka duulaya ayaa waxaa dhacdey in maalintii Khamiista uu Madaxweynaha Soomaaliya uu furo Bank- si gaar ah loo leeyahay , kana furo Magaalada Muqdisho , Layaabka waxaa weeye in Magaalada Xulaan Sawirada Madaxweynaha oo u muuqda ruux Xayeysiinya Lacagta Doolarka ee Ameerikaanka, intii uu lacagta Shilin Soomaaliya ku tirtirsiin lahaa qaadashadeeda Bankiyada iyo Shacabka Soomaaliya,
image

Guntii iyo Gabagabadii hadii Cid waliba diidey Shilin Soomaaliga , oo qof waliba ku Xisbaatamo Lacag uusan lahayn Goorba meel noo dambeysaahi Xumaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.