Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta booqday Dekedda eeyn ee Muqdisho

Muqdisho, 24, May, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaailya, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta kormeer uu ku tagay dakedda weyn ee magaalada Muqdisho, kormeerka ayaa u jeedkiisu ahaa, inuu u kuurgalo hamsami u socodka howlaha ka socda Dekedda weyn ee Muqdisho. wuxuuna indha indheeyn ku soo sameeyey qeybo ka mid ah Dekedda oo shaqooyin ka socdeen,

Kormeerka kadib ayaa Ra”iisul Wasaaruhu wuxuu kulan la qaatay maareeyaha Dakedda iyo masuuliyiinta shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkigo oo gacanta ku haya maamulka Dakedda Muqdisho.

Maareeyaha Dakedda magaalada Muqdisho, Mudane Cabdullaahi Cali Nuur, ayaa kulankaasi kaddib waxa uu la hadlay saxaafada, isagoo u faah-faahiyey waxyaabaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen Ra’iisul Wasaare Cumar.

image

“Maanta waxaa booqasho noogu yimid, Ra’iisul Wasaaraha, taas oo ka mid ah howlmaalmeedka dowladda, gaar ahaan meelaha ugu muhiimsan sida garoonka diyaaradaha iyo Dakedda, Ra’iisul Wasaaraha isagoo arrimahaas u kuurgalaya ayuu na soo booqdey, warbixinno ayaana ka siinay, waxaana u gudbinay waxyaabihii qamsoomay todobadii bilood ee la soo dhaafay” ayuu yiri maareeyaha Dakedda.

Dhanka kale Maareeyaha Dakedda Muqdisho, mudane Cabdullaahi Cali Nuur, ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ka jiro Dakedda, sida; qalabka lagu qabto howlaha Dakedda iyo qaabka howlgalka oo noqdey mid la mid ah Dekadaha waa weyn ee dalka.

“Waxaa Dekedda ka muuqda isbadel la taaban karo, burburka dalka ku dhacay ayaa dakedda saameeyey, laakin hadda awood ay kula tartami karto dekedaha adduunka ayeey leedahay, Maraakiibta oo todobaadka taagnaan jirtay hadda 48 saacadood gudahood ayaa lagu dajiyaa, waa nidaamka dekedaha caalamka oo kale, waana horumar weyn oo uu dalka gaaray” ayuu intaa raaciyey.

Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, waxaa gacanta ku haya Shirkadda Al-beyrak ee dalka Turkiga, waxaana weli ka socda dhismayaal waa weyn oo loogu talagalay in lagu ballaariyo Dakedda, si ay u qaaddo miisaanka baaxadda leh ee dhinacyada Ganacsiga iyo alaabaha kale ee la keenno dalka, waana mid ka mid ah ilaha ugu waa weyn dhaqaalaha Soomaaliya.

—-DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Muqdisho, Soomaaliya

media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.