Home » Warar »

Wasiirka Gaashaandhigga oo maanta booqday jiida hore ee goobaha Dagaalka gobollada Jubbooyinka.

Kismaayo, May 20, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo weheliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey jiida hore ee fariisimaha ay dagan yihiin ciidamadda ka howlgala aagga Jubbooyinka iyo Ciidamadda AMISOM gaar ahan deegaanka Buulo-guduud oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Kismaayo, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay saraakiisha Dowladda iyo kuwa AMISOM.

gaashaan

Ugu horeyn, Wasiirka ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagay xarun ay dagan yihiin Ciidamaddu oo ku taala duleedka magaalada Kismaayo, waxana uu ugu hambalyeeyey Ciidamada ku sugan aagga dagaalka guulaha ay soo hooyeen, isagoo halkaasi kula qaatay qaar ka mid ah saraakiisha hor kacaysa Ciidamadaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa geesta kale booqasho ku tagey fariisimaha ay ka dagan yihiin ciidamadda ee deegaanka Buulo-guduud, taas oo kamid ah goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamadda Dowladda iyo Al-shabaab.

Wasiirka oo la hadlayay Ciidamadda ayaa yiri.

“Waxaan arkayaa Ciidamo diyaar u ah difaaca dalkooda Hooyo, kana go’an tahay in ay ka xoreeyaan dalka cadowga kusoo duulay, maanta waxaan halkan u joognaa dhamaanteen gudahasha masuuliyadda ina saaran ee ah difaca dalka, waxaan ku weynay difaacan dhalinyaro iyo dad nagu qaali ahaa, mar walba oo dagaal lagu jira tani oo kale waa dhacaysaa, laakiin isku duubni iyo wadaninimo ayaa looga gudbi karaa”.

“Waxaan sii wadi doonaan taageerada iyo isgarabtaagiina, inagoo og duruufaha adag ee jira, hadana ma niyad jabayno, waxaan doonaynaa dhismaha ciidan qaran oo leh muuqaal iyo astaan qaran, kaasi oo la’aantiis aan qaran meel gaari Karin”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.

Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo la marayo nidaam ku dhisan caddaalad iyo sinaan, isla markaana ka huffan eex iyo dhinac gooni ah.

—DHAMMAAD—-

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.