Home » Warar »

Shiikh Mukhtaar Cabdi Rooble “Maamulka Jubbaland Cadaaladaro tii ugu weyneyd uu ku sameeyey Beesha Jareer Weyne”

Waxgarad , Nabadoono iyo  Cuqaal  ka tirsan Beesha Jareer weyne ayaa  Cadaaladaro tii ugu weyneyd  ku tilmaamey maamulka iyo Baarlamaanka laga dhisey Gobolada Jubooyinka

muqtar

Shiikh Mukhtaar  Cabdi Rooble oo ka mid  Cuqaasha Beesha Jareer weyne oo ka hadlayey arrimaha Gobolka Jubada Hoose ayaa yiri “ Waxaan nahay dadka ugu badan ee Dega Gobolada Jubada Hoose , Jubada Dhexe iyo Gedo marka ay timaado dhinaca Beeraha , marka Dowlad Goboleed  waxaa lagu Xisaabtamaa  waa Deegaan taasna lama sameyn  “ waxaa uu  sii raaciyey

“ Deegaan lama fiirin ee waxaa la fiiriyey beeshaas imisa Dad bay dileen , Mise Hub ayey Haystaan  marka waxaan Qaramada Midoobe , Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka u sheegeynaa in waxa ka dhacaya Kismaayo ayihiin Cadaaladaro  , hadii aan Cadaaladaadaas   la jooojin waxaa dhici karta in dadka Deegaanadaas lagu dulmiyey ay Hubka qaataan “ ayuu yri Shiikh Mukhtaar

Ugaas Cabdi Xasan Xujaale iyo Ugaas  Shiikh Xasan Axmed  ayaa iyagana waxaan weydiiyey sida ay u arkaan Mooshinka laga keeney Muumulka Jubland gaar ahaan Qaabka loo xuley Baarlamaankaas ayaa yiri” Hadii Baarlamaanka Federaalka ay daacad ka tahay arrimaha Gobolada Jubbooyinka waa soo dhaweyneynaa  “

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.