Waxgarad , Nabadoono iyo Cuqaal ka tirsan Beesha Jareer weyne ayaa Cadaaladaro tii ugu weyneyd ku tilmaamey maamulka iyo Baarlamaanka laga dhisey Gobolada Jubooyinka
Shiikh Mukhtaar Cabdi Rooble oo ka mid Cuqaasha Beesha Jareer weyne oo ka hadlayey arrimaha Gobolka Jubada Hoose ayaa yiri “ Waxaan nahay dadka ugu badan ee Dega Gobolada Jubada Hoose , Jubada Dhexe iyo Gedo marka ay timaado dhinaca Beeraha , marka Dowlad Goboleed waxaa lagu Xisaabtamaa waa Deegaan taasna lama sameyn “ waxaa uu sii raaciyey
“ Deegaan lama fiirin ee waxaa la fiiriyey beeshaas imisa Dad bay dileen , Mise Hub ayey Haystaan marka waxaan Qaramada Midoobe , Midowga Afrika iyo Dowladda Federaalka u sheegeynaa in waxa ka dhacaya Kismaayo ayihiin Cadaaladaro , hadii aan Cadaaladaadaas la jooojin waxaa dhici karta in dadka Deegaanadaas lagu dulmiyey ay Hubka qaataan “ ayuu yri Shiikh Mukhtaar
Ugaas Cabdi Xasan Xujaale iyo Ugaas Shiikh Xasan Axmed ayaa iyagana waxaan weydiiyey sida ay u arkaan Mooshinka laga keeney Muumulka Jubland gaar ahaan Qaabka loo xuley Baarlamaankaas ayaa yiri” Hadii Baarlamaanka Federaalka ay daacad ka tahay arrimaha Gobolada Jubbooyinka waa soo dhaweyneynaa “
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.