Home » Warar »

Wasaaradda Gaashaandhigga oo Siminaar 5 casho soconayey usoo xirtay Guddiga Isku dhafka Ciidamadda X.D.S.

Muqdisho, May 17, 2015….Guddiga Isku dhafka Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta loosoo xiray siminaar soconayay muddo 5 cisho ah, kaas oo looga hadlayay qaabka ugu habboon ee si wadajir looga qeyb qaadan karo isku dhafka Ciidamadda. Waxana munaasabadaas goob-joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C.qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Aaden Cilmi Indha-qarshe iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda.

Xubnaha Guddiga isku-dhafka ciidmaadda oo goobta ka hadlay ayaa balan-qaaday in ay fulin doonaan talada ay siiyeen hoggaanka sare ee dowladda, ee ku aadan in dalka laga hirgeliyo ciidan isku dhafan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamadda XDS, S/G Daahir Aaden Cilmi, ayaa xusay guddigani in uu bilow u yahay Soomaaliya in ay yeelato ciidan qaran oo xooggan isla markaana matala Soomaalida oo dhan, kaas oo hirgelintiisa loo xil-saaray guddiga isku dhafka.Isagoo hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed ay muhim tahay in laga dhaadhiciyo ujeedka laga leeyahay isku dhafka si faham guud oo caawin kara shaqada ay shacabka iyo maamullada gobolladu u helaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ku booriyey xubnaha guddiga in ay si deg deg ah uga howlgalaan isku dhafka, iyadoo uu xusay wasiirku in taariikhdu ay qori doonto qof walboo Soomaaliya ee gacan ka geysta dhismaha ciidamadda oo hal-bowle u ah dhismaha qaran Soomaaliyeed oo lagu wada kalsoon yahay.

“Anaga oo fahamsan masuuliyadda naga saaran dhismaha ciidamadeena, waxaa si gaar ah idinku wakiil uga tihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in la helo ciidan qaran oo dheeli tiran, maanta waxaan aas-aaska u dhigaynaa dhismaha mid kamid ah tiirarka ugu muhiimsan dowladnimada, taasina waa in la helo ciidamo leh aqoon iyo karti kana fog wax walba oo qaranka danihiisa aan saacidayn”ayuu yiri Wasiirka Difaaca C/qaadir Sh. Cali Diini.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan dhismaha ciidan qaran, si looga gudbo caqabadaha laga dhaxlay fowdada iyo dowlad la’aanta soo jirtay mudada rubac qarniga ah.
image

—DHAMMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.