Home » Warar »

NUSOJ oo ugu baaqday AMISOM inay wax ka bedesho Qaab-Baariseedka Shaqaalaha Warbaahinta

Muqdisho,

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa ugu baaqay ciidamada AMISOM inay wax ka bedelaan qaab baariseedka ah isticmaalka eeyaha ee ka dhanka ah Qalabka shaqo ee shaqaalaha Warbaahinta marka ay u casuumaan inay tebiyaan wararkooda, isla markaana ka fekeraan qaab baariseed ka duwan midka hadda la isticmaalo.

Suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa maalinimadii Shalay ka soo kala dareeray xaflad ay Midowga Yurub ku sameysanayeen Xalane, kadib markii lagu amray inay qalabkooda hoos geeyaan eeyo wax uriya, taasoo laga yaabo in eyga dhareerkiisa uu gaaro qalabka, taasoo ay weriyayaashii ka biyo diideen.

Eeyaha iyo dhareerkooda ayaa ah “haran” ama Nijaaso diin ahaan iyo dhaqan ahaan, horeyna kaamirooyin la hoos geeyay lagu arkay dhareerkaas, sidaasi darteed, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ugu baaqayaa ciidamada AMISOM inay xushmeeyaan dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana la yimaadaan hab/qalab baariseed casriya oo ay kaga kaaftoomi karaan isticmaalka eeyaha.

“Waan dareensanahay eeyaha loo isticmaalayo arrimo amni, balse waxaa la heli karaa hab baariseed casriya oo looga kaaftoomi karo isticmaalka eeyaha, iyadoo la xushmeynayo dhaqanka iyo diinta dadka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri, Maxamed Ibrahim, Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed, “Waxaana ugu baaqeynaa inay wax ka bedelaan qaab baariseedkooda, si loo hagaajiyo xiriirka Warbaahinta iyo AMISOM.”

“Cabashada weriyayaasha ee arrintan waa ay soo noqnoqotay, waxaana lama huraan ah in xal deg deg ah laga gaaro, waxaana diyaar u nahay in aan idinkala shaqeyno qaabkii xal looga gaari lahaa, maadaama arrintu saameyneyso dhaqanka iyo diinta dalka, loogana baahan yahay AMISOM inay xushmeeyaan” ayuu ku daray Xoghayaha Guud ee NUSOJ Md. Maxamed Ibrahim, “Waxa uuna uga mahadceliyey suxufiyiinta go’aanka midnimada ku jirto ee arrinkaa ka qaateen.”

Waa markii labaad ee suxufiyiinta ka howlgala Gobolka Banaadir ay ka soo laabtaan casuumaad AMISOM u fidisay.



For further information, please contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
ress House, Taleex area, Hodan District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.