Home » Warar »

Sh. Khadar Jaamac oo dhibaatada ilma iska soo tuurida ku qaatay Ph.D.

Sh. Khadar Jaamac ayaa gaaray darajada Ph.D. kadib markuu baaritaan kusameeyey  “Dhibaatada ilma iska soo rididda ee  kataagan Galbeedka, asbaabteeda iyo Axkamteeda dhinaca shareecada Islaamka” Sh. Khadar ayaa mowduucan ka diyaariyey cilmi baaris kuna mutaystay inuu ku qaato Dictooraa, (Ph.D. Sheikh Khadar ayaa ka qaatay Dictoorada Jaamacada  Graduate Theological Foundation (GTF) ee kutaala Gobolka Indiana ee cariga Maraykanka.

Sh. Khadar buugiisa uu kusoo bandhigay mowduucan fiqiga ah waxaa kor kala socday oo baaraha mushrif u ahaa, Dr. Cumar Shaahiin oo ah Madaxa Qaybta daraasaatka Islaamka ee Jaamacada kor ku xusan, sidoo kalena baaraha waxaa kala dooday buugiisa Dr. Camar Shaahiin iyo Dr. Al-waathiq Al-Cubaydiyi oo ah xubin ka mid ah jaamacada.

Sh. Khadar waxuu kusoo bandhigay buugiisa cilmi aad loogu baahan yahay xiligan ahna masalo kataagan Galbeedka, in ay siyaadayso ilma iska soo rididda, ummada ku nool galbeedkana ay saamayn wayn ku leedahay dhinac kasta, cidkastana ay qayb teeda ka heshay. Arintan ilmo iska soo tuurka ayaa ah arin aad doodeedu u dheertay dhinac walba, mushtamaca reer galbeedkuna waa ku kala qaybsan yahay, qaar u arka in haweenaydu iyadu leedahay go’aanka kama danbaynta ah ilmaha uurkeeda ku jira, iyo kuwa kale oo u arka inay tahay arin ijtimaaci ah, go’aan keeduna dadka ka wada dhaxeeyo.

Sidoo kale waxaa ku kala aragti duwan siyaasiyiinta oo aysan ka marnayn barnaamijkooda dicaayada ololaha doorashada. Si kastaba ha ahaatee waa arin qaanuun ahaan loo meel mariyey, laguna dhaqmo waqtigaan xaadirka ah.

Baaritaanka Sh. Khadar kusameeyey ayaa soo bandhigaya sabaha keena ilma iska soo rididda, iyo arintaas shareecada Islaamku waxa ay ka qabto. Sidoo kale baaruhu wuxuu soo bandhigayaa taariikhda mowduucan ee Galbeedka iyo tira koobka lagu sameeyey ilmaha la iska soo tuuro. Waxaan Iyana baarintaanka ka marnayn in lagu soo bandhigay dhibaatada arintan ku hayso mushatama reer galbeedka iyo kuwa kusoo biiray ee kasoo hayaamay wadammada Islaamnka, dhaqaale ahaan, akhlaaq ahaan, iyo bulsho ahaanba.

Masaladan ayaa ka duwan sida loo eegayo sharci ahaan markii ay ka dhacdo dhul Islaam ah, marka laga hadlayo Galbeedka iyo dadka tirada yare ee ku nool waaqican, fiqigoodu meelaha qaar ayaa si kale loo fiirinayaa, arintaasna waa maslo sharci ah. (fiqul aqaliyat)

Sh. Dr. Khaddar jaamac wuxuu ka mid yahay Culummada Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika, wuxuu ahaa Imaamkii Masaajidka Al-Ansaar ee San Diego, Sh. Khadar waa Sheikh da’ayar oo firfircoon, kana mid ah guud ahaan culummada dacwada kawada Maraykanka.

Ugu danbayntii Saaxiibkay Sh. Dr. Khadar waxaan ugu hambalyeynayaa kuna faraxsanahay darajadaas cilmiga ah ee illaahay gaarsiiyey, waxaana illaahay uga baryayaa inuu cilmigiisa ka dhigo cilmi naafic ah, illaahayna ummada ku anfaco. Anigoo fursadaan ka faa’iidaysanaya waxaan Dr. Khadar Jama kula talin lahaa inuu Risaalada cilmi baaristan uu daabaco, si looga faa’iidaysto fiqiga dhex fadhiya.

Diyaariye:

Sheikh Hassan Dhooye
dhooye@hotmail.com

حصل أخونا الفاضل الشّيخ خضر درجة الدكتوراه. وكان عنوان البحث (مشكلة الإجهاض في الواقع الغربي، أسبابه وأحكامه في الشّريعة الإسلاميّة) من جامعة
جي تي إف. وهي جامعة قديمة في ولاية إنديانا.  ناقش الرّسالة أستاذان فاضلان: الدّكتور عمر شاهين والدّكتور واثق العبيدي الفقيه الحنفيّ المشهور المقيم حاليا في أمريكا

الشّيخ خضر من الدّعاة المشهورين في أمريكا ومن طلبة العلم المجتهدين. حريص على وقته وهو دائم الإطّلاع على المسائل المستجدة في المجتمع الإسلاميّ. زدعلى ذلك، أنّ له اطلاع غير يسير على الثّفافة الغربية. دار بيني وبين الشّيح خضر نقاش في مسائل فقهية، فهو ليس ممن يطلق الكلام على رسيلاته، بل يرجح بين الآراء الفقهية عن علم ودراية. ناقش الشيخ خلال الرّسالة مشكلة الإجهاض في الواقع الغربي، وواضح في كتابات الشّيخ بأنّه يعتز بثروة الفقهية الإسلاميّة وغضار دوحته.

 رسالة الشّيخ تضيف إلى المكتبة الإسلاميّة موضوعا جديدا. فاللهم تقبل جهود الشيخ واكتب لرسالته القبول بين طلبة العلم.

 هنيئا لك فضيلة الشّيخ خضر….  دمتم بخير….

 بقلم /تلميذكم

(موليد خليف ( أبو معاذ

dr. Khadar Jama
IMG_4835
IMG_4945 IMG_4947 IMG_4996 IMG_5003

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.