Home » Warar »

Sheikh Axmed Nuur oo Shahaadada PhD ku qaatay Taariikhda Xarakaadka Islaamiga ee Soomaaliya

IMG_4825Saaka oo Jimce ah 5/08/15 ayaa Baaraha Soomaaliyeed ee Ahmed Nuur Macalim Cabdulqaadir  ka qaatay Jaamacada Graduate Theological Foundation (GTF) kuliyadeeda Falsafada Islaamiga Shahaada Diktoornimadda taasoo lagu gudoon siiyey darajada Mumtaaz, taasoo ka mid ah heerka ugu sareeya ee lagu qaato shahaada PhD.

Cilmi baaraha, cinwaanka buugiisa uu qalin jabinta ku sameeyey ayuu u doortay “Taariikhada Xarakaadka Islaamiga iyo Raadka ay ku leeyihiin Mushtamaca Soomaalida 1950-2015”

Buuga cilmibaarista ee uu soo bandgigay cilmi baaruhu ayaa wuxuu aad usoo jiitay culummada ka doodaysay buugiisa, kuwaasoo kala ahaa, Dr. Cuamar Shaahiin oo ah Madaxa Qaybta daraasaatka Islaamka ee Jaamacada kor ku xusan, sidoo kalena Mushrif u ahaa baaraha iyo Dr. Al-waathiq Al-Cubaydiyi oo ah xubin ka baxsan jaamacada. Waxay aad u amaaneen  baaritaanka iyo dadaalka lasoo bandhigay, waxayna ku tilmeen inuu yahay baarintaan mowduuca uu ka halayo si wanaagsan u xaqiijinaya, si heer sare ahna looga soo shaqeeyey.

Sida uu ku amaanay gudiga u xilsaarnaa qiimaynta iyo la doodida baaraha, waxay hoosta ka xariiqeen hal abuurka baaraha, mustawihiisa cilmiga, soo jiidashada daraasadan goob jooga ah, iyo awooda uu uleeyhay adeegsigiisa hababka loo adeegsado tusaalayaasha cilimi barista lagu sameeyo.

Waxaan aaminsanahay in Sh. Dr. Axmed Nuur cilmibaaris tiisu kusoo aadayso xili aad loogu baahnaa, meesheediina ay dhacday, dad kooban oo aan sida Dr. Axmed ugu xeel dheeryahay aqoonta xarakaat Islaamiga ah ee ka hana qaaday Soomaaliya ayaa qooro kooban kasameeyey mowduucan intaan ogahay, waxaanse aaminsanahay Buuga Dr. Ahmed Nuur ee ka kooban 237 bog inuu noqonayo daraasadii ugu horaysay ee si xeel dheer loogu eego taariikhada xarakaatka Islaamiga ee Soomaaliya mudadaas nus qarniga ah ee ay jireen. Sidoo kale buugu wuxuu fikir ka siinayaa akhristayaasha Xarakaadka Soomaaliya, xiligii ay aas aasmeen, cidii ka danbaysay, Manhajkooda, iyo Saamaynta ay ummada Soomaaliyeed ku yeesheen.

Dr. Axmed Nuur buugiisa ayaa dhawaan la daabici donaa insha allaah, waxaana uga mahad celinayaa Dr. Axmed inuu ii hadiyeeyey buugiisa nuskho ka mid ah inta aan wali la daabicin, Jazaakallahu khayr.

Sh. Dr. Ahmed Nuur wuxuu ka mid yahay culummada sida wayn looga yaqaan Waqooyiga Ameerika dacwo iyo Nashaad badana kawada, Sheikh Ahmed Nuur waa Imaamka Masjidka Abubakar Islamic Center ee Seattle Washigton, waana Ku xigeenka Gudoomiyaha Shuurada ee Golaha imaamyada Waqooyiga Ameerika.

Ugu danbayntii anigoo fursadaan ka faa’iidaysanaya ayaan si aad iyo aad ah ugu hambalyeynayaa saaxiibkay Fadiilatu Sheikh Dr. Ahmed Nuur Macalim Abdulqaadir waxaana leeyahay Mabruuk, illaahayna waxaan waydiisanayaa inuu sheikha cilmigiisa ka dhigo cilmi raasikh ah oo khalqiga illaahay ku intifaaco, Sheikhana illaahay waxaan uga baryayaa inuu khaatumo wanaagsan iyo inuu cilmigiisa iyo camalkiisaba barakeeyo.

Qalinkii: Sheikh. Hassan Dhooye
dhooye@hotmail.com

————————————————————————————

التقرير بقلم/د. يحيى عثمان صوفي

نال الباحث الصومالي/ أحمد نور معلم عبد القادر على درجة الدكتوراه بتقدير امتياز من كلية الفلسفة الإسلامية بجامعة  Graduate Theological Foundation الأمريكية صباح الجمعة 19/7/1436هـ الموافق 8/5/2015م, وكان عنوان أطروحته: “تاريخ الحركات الإسلامية وأثرها في المجتمع الصومالي ما بين (1950- (2015م)”.

وقد حازت الرسالة على إعجاب لجنة المناقشة المؤلّفة من كل من الأساتذة: الدكتور عمر شاهين مشرفا وعضوا، والدكتور واثق العبيدي عضوا خارجيا، وأثنوا على البحث والجهد المبذول فيه ووصفوه بالبحث المتقن والمميز.

كما أثنت اللجنة على الباحث ونوهت بخلقه، ومستواه العلمي، وجديته في ميدان دراسته، وتمكنه من الاستخدام الأمثل لأدوات البحث العلمي.

وبهذه المناسبة فإننا نرفع أسمى آيات التهاني والتبريكات للباحث الكريم على هذا الإنجاز العلمي الهائل، كما نهنئه بانتظامه في سلك الدكاترة الصوماليين، ونسأل الله عز وجل أن يرزقه دوام التوفيق والازدهار في حياته العلمية والعملية، إنه وفي ذلك والقادر عليه.

IMG_4790 IMG_4841 IMG_4879 IMG_4909 IMG_4911 IMG_4940 IMG_4942 IMG_4945 IMG_4947 IMG_4971 IMG_4992 IMG_4996 IMG_5005

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.