Home » Faallo »

Midowga Diyaaradaha ma danaysi mise u danayn?

Waxaad dhowaan saxaafada ka maqasheen ama ka akhrideen in ay midoobeen shirkadaha diyaaradaha Daalo iyo Juba taasoo u noqon karta horumar shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha laftooda ama noqon karta mid iyaga keliya dan u ah isla markaasna shacabka ku noqon karta dhibaato hor leh.

Aduunka waxaa kajira Antitrust Law oo ah sharci lagu ilaaliyo jiritaanka tartanka ganacsiga iyo hadii Shirakado ganacsi midoobayaan inaysan dhib u keenin macaamiishooda iyo guud ahaan shacabka. Tusaale ahaan midowga laba shirkadood waa inaysan keenin in ay qiimaha kordhiyaan ama tayada yareeyaan iyadoo aysan jirin shirkado kale oo la tartamaya. Marwalba waxaa ahmiyada la siiyaa sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda macaamiisha (consumer rights).

Shareecada islaamku waxay shirkadaha ganacsiga ka reebtay waxyaalo badan oo macaamisha culays u keenaya sida badeecada oo la kaydiyo oo aan dadka laga iibin si qiimaha loo kordhiyo (Ixtikaar) iyo in la sameeyo sicir goyn lagu dhibaataynayo shacabka. Arimahaas oo dhan waxaa ilaalintooda laga rabaa maamulka iyo hogaanka umadda.

Dhowr iyo labaatan sano kahor waxaa wadankeena ka dhacay burbur iyo dowlada la’aan salfatay adeegii Shirkadii Somali Airline iyo weliba dagaaladii sokeeye oo sababay inay dalka iman waayaan diyaarado caalami ah ayaa waxa dalka ka shaqaynayay dhinaca duulimaadka shirkado Soomaaliyeed oo si khaas ah loo leeyahay. Waxaa la oran karaa shirkadahaas waxay dalka kasoo saareen marxalad adag waayo waxay ka shaqaynayeen garoomo ay ka taliyaan maamulo aan awood lahayn iyo kuwo ay ka taliyaan hogaamiya kooxeedyo. Ma aysan haysan adeeg diyaaradeed oo wanaagsan iyo caymis macquula ah.

Waxaa ilaahay mahadii ah in mudadaas dhowr iyo labaatanka sano ah in aanu wadankeena ka dhicin shil diyaaradeed iyadoo aynu ognahay in diyaaradaha Soomaaliya soo aadaya ay yihiin kuwa aan laga ogolaadeen wadamo badan, iyadoo aynu ognahay in garoomadda Soomaaliya ku yaala ee ay ku degayaana aysan lahayn adeeg iyo dayactir diyaaradeed toona, Iyadoo aynu ognahay inaysan ka jirin nabad gelyo garoomadii ay fadhiisan jireen ayaa Waxaa la odhan karaa dadaadka shirkadaha duulimadyada Soomaaliya wuxuu ahaa bir finiin ka hadhay waxayna ku amaanan yihiin inta ay tabartooda dedaaleen.

Marka laga soo tago milkiilayasha iyo maamulka shirkadaha diyaaradaha oo muujiyey dulqaad dheeraada maadama ay ka shaqaynayeen dal aan lahayn kala danbayn ayna u adeegayeen shacab dhibaataaysan oo aan garanayn ahmiyada diyaarada iyo duulimaadka ama aan dhowreyn amniga diyaaradaha hadana shacabka laftoodu waxay shirkadaha ugu dulqaadanayeen qiima qaali ah iyo weliba adeega diyaaradaha oo ahaa mid aad u hooseeya mararka qaarkoodna ay dhacayso in aad maalintii oodhan Garoonka aad joogto diyaaradii iman waydo ama aad u socoto 12-saacadood meel aad u socon lahayd 4-saacadood, sababtana ay tahay shirkada oo rabta in ay hal dhagax ku disho shan shinbirood. Sida guud ahaan umada soomiliyeed u rajaynasey inay ka baxdo dhibaatoyinka ragaadiyey ayay macaamiisha diyaaradaha raacaana mar walba ugu ducaysanayeen in Allah Ferej u keeno.

Faaiidada Midowga diyaarada.

Tan kowaad shirkadaha inay cududooda mideeyaan iyaga ayay u tahay faa’iido dhaqaale, halkii ay ka kiraysan lahaayen laba diyaaradood waxay kiraysanayaan hal diyaarad oo wayn meel kasta oo laba kharash uga bixi jireyna waxay bixinayaan hal kharash sida khidmadda Garoonka/shaqaalaha/shidaalka iwm. Waxay kale oo tusaale u noqonayaan in shirkadaha Soomaliyeed ee isku shaqada ah (same industrial) ay midoobaan ama yeeshaan wada shaqayn.

Dhinaca kale waxaa dan wayn ugu jirtaa shacabka oo qiimihii ayaa u jabaya maadama diyaradihii ay badbaadiyeen kharash badan oo ka bixi jirey, waxay kale oo shacabku filayaan in ay helaan adeeg hufan iyo duulimaadyo dhakhso badan, hadaba waxaad moodaa in arintan danbe ee ah danta shacabku ka helayo midowga shirkadaha ay shaki badan ku jirto maadama ilaa hadeer aan la arkin isbedel ku yimi qiimaha ama adeega isla markaasna shirkadahan aysan caddayn ujeedada dhabta ah ee midowga ka leeyihiin iyo goorta la arki doono maxsuulka midowgooda.

Qayla dhaanta Midowga Shirkadaha:

Sida ay qortay Reuters Feb 17th Midowga shirkadaha waxa sababay culays kasoo wajahay dhinaca tartanka ka dib markii ay suuqa lasoo galeen Ethiopia  iyo Turkish Airline isla markaasna ay shirkadda Fly Dubai balan qaadday inay bilaabayso duulimadka khadka Soomaaliya, waxaad moodaa markaas inay shirkadaha u arkeen inay cududooda xoojiyaan maadama ay somaliya uga khibrad badan yihiin isla markaasna ay fadhiistaan magaalooyin badan oo aysan diyaaradaha caalamiga ah fadhiisan Karin. Laakin shirkadaha waa inay xasuusnaadaan macaamiisha waxay sugayaan Ferej ay kaga baxaan, qiimihii qaaliga ahaa, cunta xumadii diyaaradaha ku haysatay, waqtigii dheeraa ay ku qaadanaysey inay gaadhaan meeshii ay rabeen, nadaafad la’aantii musqulaha, boorsooyinkii ka lumayay, duulimaadkii baaqanayay, kuraastii aan kala astaysnayn iyo weliba hadaladii qalafsanaa ee howlwadeenada shirkadaha qaarkood dadka kula hadlayeen.

Hadii midowga shirkadaha uusan arimahaas wax ka bedelin waa inay ogaadaan in shacabku ay caleemo qoyan kusoo dhoweynayaan shirkado ajnabi ah oo ay ka helayaan adeega ay rabaan. 

Inkastoo aan filayo inay tahay buunbuunin Faa’idada Guud ee 75-ta milyan ee Reuters sheegtay inay sameeyeen labadan shirkadood sanadkii 2014 hadana shacabka waxay ka rajaynayaan in shirkaduhu ka qayb qaataan kobcinta dhaqaalaha wadanka iyo taakulaynta shacabkan ay dhibaatoyinka badani ragaadiyeen. Waxay markaas shacabku la safan doonaan shirkadahooda lasoo qariibay xiligii aan shirkaadaha aduunku isku aamineyn wadanka.

Mustafa Awseed
Awseed71@yahoo.com

madoobe

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.