Home » Warar »

RW Cumar ayaa hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u diray dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed

Muqdisho, 01, May, 2015….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya mudane Camar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa u diraya
Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Aduunka, dhamaan shaqaalaha
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan,

Maalinta shaqaalaha aduunka ayaa la asteeyey 1, May, 1904-tii in ay
noqoto maalin ay shaqaalaha aduunku u dabaal dagaan, muujiyaan
xuquuqdooda, lana qaybsadaan farxada qoysaskooda iyo asxaabtooda.

“Maalinta Shaqaaluhu waa maalin caalami ah oo aduunka dhan looga
dabaal dago, waa maalin la xuso guulaha ay soo hoyiyeen ururrada
shaqaalaha; waana maalin lagu xuso halganka ay shaqaaluhu ugu jiraan
iney bulshooyinkooda ka saaraan fakhriga.Waxaan halkaan ugu
hambalyeeynayaa dhamaan shaqaalaha dowaladda iyo kuwa rayidka ah oo
isugu jira rag iyo haween, waxaanna ku amaanayaa howl-karnimada ay
muujiyeen iyo dadaalkooda ku aadan iney horumar gaarsiiyaan
bulshadooda” ayuu yiri RW Cumar.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay iney ka go’an tahay
xukuumadiisa in shaqo loo abuuro dhalinyarada ka qalin jabisay
jaamacadaha, xirfadlayda iyo xoogsatada Soomaaliyeed.

“Kal fadhigii golaha wasiirada ee dhacay khamiistii la soo dhaafay
waxaa lagu ansixyey sharciga lagu dhaqayo shaqaalaha ajaanibta ah ee
ka howlgala dalka, waxaa sharcigaas qeexayaa in dadka ajaanibta ah
aysan dalka ka shaqayn karin iyagoon haysan ruqsado shaqo, isla
markaan aysan qaban karin shaqo xirfadeed qof Soomaali ah uu qaban
karo, taas macanaheedu waxaa weeye in mudnaanta la siiyo dadka
Soomaaliyeed oo shaqo la’aantu hayso, siyaasada xukuumadu waa in loo
abuuro shaqooyin aqoon yahanka iyo xirfadlayda Soomaaliyeed” ayuu yiri
RW Cumar

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dhalinyaradu ay yihiin
lafdhabartii dalka, loogana fadhiyo iney qayb muhiim ah ka qaataan dib
u dhiska dalka, ogaadaana wadan kasta oo gaaray horumar iney hormuud u
yihiin dhalinyaradiisa.

“Dhalinyaradu waa mustaqbalkii dalkaan, shucuub kasta oo ku
tilaabsatay horumar dhaqaale iyo mid siyaasadeed waxaa laf-dhabar u
ahaa dhalinyaradiisa, waana inaan meel uga soo wada jeedsanaa sidii
dalkaan aan uga dhigi lahayn mid amaan ah, oo noo saamixi kara iney
yimaadaan shirkado maalgashi ku sameeysta, si dhalinteena loogu abuuro
shaqooyin”ayuu yiri RW Sharmarke

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ugu baaqay shirkadaha
gaarka loo leeyahay iney xil weyn iska saaran sidii shaqo ugu abuuri
lahaayeen Ardayda ka qalin jabisay Jaamcadaha isla markaan dadka
shaqaalaha u ah ugu diyaarin lahaayeen goobo caafimaad ahaan iyo
baadbaada ahaan ku haboon in lagu shaqeeyo, si looga baaqsado ineysan
dhibaatooyin soo gaarin shaqaalaha xiliyada ay shaqada ku guda
jiraan.

—DHAMAAD—-

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.