Home » Warar »

Golaha wasiirada ayaa ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah

Muqdisho, 23, April, 2015…Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray Amniga guud ee dalka, iyo ansixinta hindise sharciyeed qeexaya dadka u imaanaya dalka inay ka shaqeeyaan iyo shuruudaha laga doonayo.

shirka golaha oo socday saacado badan ayaa waxaa maanta la horkeenay taliyeyaasha ciidamda, si wax looga weydiiyo xaaladaha amni ee dalka gaar ahaan caasimada iyo qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amaanka.

Golaha ayaa aad uga dooday arrimaha amaanka oo xukuumadda ugu jira mudnaanta koowaad, waxayna warbixino ka dhagaysteen taliyeyaasha Booliska, Nabadsugida, iyo Abaanduulaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya.

Hayadaha amniga ayaa ka warbixiyey sida ay habeen iyo maalin ciidanku diyaar ugu yihiin wax ka qabashada amniga, hadana ay dhici karto in nabad diidku ay gaystaan falal is qarxin ah oo ay la beegsanayaan dadka shacabka meelaha ay isugu yimaadaa. Sidoo kalana looga fadhiyo shacabka iney xiriir joogta la yeeshaan Hay’adaha amniga si wada jir looga qayb qaato ilaalinta nabad galayada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa ka warbixiyey dadaalka ay wado wasaaradiisa oo ku aadan isku dhafka ciidamada ku kala firirsan gobolada dalka, wuxuuna wasiirku sheegay in ay meel fiican maryso isla markaan ay ku rajo weyn yihiin in la helo ciidan qaran, wuxuu dhanka kale sheegay wasiirka Gaashaandhigu in ay ku howlan yihiin sidii ay ciidamda u xoojin lahaayeen looguna heli lahaa qalab dhamaystiran oo ay ku howl galaan.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa ka dooday hindise sharciyeed ay soo diyaarisay wasaarada shaqada iyo shaqaalaha oo ku saabsan shaqaalaha ajaanibta ah ee ka shaqeeya dalka, waxaana sharcigu farayaa dadka ajaanibta ah iney marka hore helaan dal ku gal, kadiba la siiyo ruqsad shaqo iyo ineysan qaban karin shaqo xirfadeed uu qof Soomaali ah uu qaban karo, dood dheer kadib golaha wasiirada ayaa meel mariyey sharcigaan, waxaana loo gudbin doonaa golaha Baarlamaanka.

—DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW

Muqdisho, Soomaaliya

media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.