Home » Warar »

Nadwadii Shiicada Rowda Boosaaso ka socotay oo lasoo gabagabeeyay, bayaanna laga soo saaray

Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada boosaaso Nadwadii 13aad ee ka scotay magaalada boosaaso.

Waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada boosaaso Nadwadii 13aad ee ka scotay magaalada boosaaso.

Ugu horrayn waxa ka hadaly madasha guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Sh.Maxamad Cabdulaahi, wuxuuna xusay nadwada xilligii lasoo bilaabay iyo sida magacanadwada sannadkan loogu doortay, inta kadib guddoomiyuhu wuxuu sheegay in guud ahaan casharrada nadwadan ka baxay ay ahaayeen 41 cashar oo goobo kala duwan laga jeedshay, sidoo kale wuxuu u mahad celiayay golayaashii kala duwanaa ee ka shaqaynayay qabanqaabada nadwada iyo guddigii ammaanka ilaalinayay.

Intaa ka dib waxaa hadalka qaatay sheekh daahir aw cabdi, waxa uuna sheegay in cimrigu uu dhammaanayo sida ay nadwadani u dhammatay, waxa uuna inta ku daray in ajjashu ay dhowdahay sida alle quraankiisa ku shegay, waxa uuna tusaale usoo qaatay hadalkii odayadii soomaaliyeed ee ahaa “Maanta waa adduun berrina waa Aakharo”

intaa sheekhu waxa uu ku daray in nadwadan lagu soo beegay xilli ku habboon, waxa uuna xusay sheekhu in salafkii ummadani ay bidcada kula dagaallameen labo shay oo ahaa in la cadeeyo xaqa iyo dadka xujada lagu oogo.

sheekhu waxa uu u dardaarmay umadda soomaaliyeed inay la dagaalamaan bidcada, waxa uuna kusoo kooobay hadalkiisii dardaaran uu usoo jeediyay dadwaynaha soomaaliyeed ee ehlu qiblaha ah, oo ahaa inay dacwadaan u guntadaan , shiikhuna waxa uu balan kaga qaaday dadkii masjidka joogay inay waajibkaas u guntadaan , iyana way balan qaadeen.

Sheekh axmed cabdisamad oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed ay ka eed sheegan jireen dad ku xukumay gaalnimo oo sidaa ku laayay, ee bal ka warama kuwa Asxaabta iyo Xaasaskii Nabiga NNKH gaalaysiinaya oo intii raacaydana dilaysa.

sheekhu waxa uu sheegay inay asxaabtu ahaayeen kuwii diinta ina soo gaarsiiyay, aasaasna ay u ahaayeen diinteenna xaniifka ah, ayna mudanyihiin in la difaaco maxaa yeelay annagu haddanu sooomaali nahay waynu ka dirirnaa markii qabiilkeenna ama siyaasigeenna wax laga sheego haddaba gar ma ahan inaan taasna ka dagaallanoo asxaabtii nabigana NNKH aan la difaacin.

Intaa kadib sheekhu wuxuu ku tala bixiyay in masaajidda laga akhriyo oo guryaha lagu akhriyo siiradii nabiga NNKH iyo fadligii Xaasaskii Nabiga NNKH iyo Asxaabtiisii ARN.

sheekhu waxa kale oo uu soo jeediyay ayaamahan carruurtii inoo dhalata in loo bixiyo magacyada abubakar cumar ,cuthman, caaisho iyo xafso ARN, waxa uuna sheegay in magacyadani ay yihiin kuwa ay asxaabta nabiga ugu necebyihiin halka nabigu NNKH uu ugu jeclaa asxaabtiisa.

Waxaa inta xigay Sheekh maxamed Xuseen Cali (Maxammed Deeq) oo ah Gudoomiye ku xigeenka Mu’asasada Al-Karam ee Dacwada iyo Hormarinta ee ka shaqaysa Gobollada Waqooyiga Soomaaliya ee loo yaqaan Somaliland, sheekhu waxa uu sheegay in arrintani ay qayb ka tahay isku xirnaanta iyo walalnimada, waxa uuna sheegay inay kororsadeen intii ay halkan joogeen khibrado badan oo dacwadeed.

Halkaan ka akhri Bayaanka

sheekhu waxa uu mar labaad u mahad celiyay reer Boosaaso iyo mu’asada alminhaaj waxana uu sheegay in Mu’asasada Al-Karam ay tahay walaasha Al-Minhaaj.

Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Maxammed Caydiid ayaa asna kalimad ka jeediyay, waxa uuna aad ugu mahad celinayaa culimadii u guntatay inay nadwadu qabsoonto.

waxa kale oo masuulku mahad uceliyay muasasada alkaram oo uu sheegay inay safar dheer usoo galaan dacwada sidoo kale waxa uu umahad celiyay al minhaaj

waxa kale oo sheegay in dhibaatada manta haysata dadka suniyiinta inay sabab utahay kala daadsananta dhexdooda ka jirta waxana alle uu uga baryay inuu kalmadooda mideeyo

Beeldaaje Cali beeldaaje Faarax oo isna madasha ka hadlay ayaa yiri: nadwadan waxa lagu soo beegay xilli loo baahnaa, waxana uu umahad celiyay culimadii umadda usoo jeedisay nadwadan, waxa kale oo uu intaa ku daray beeldaajuhu in cilmigu ka horeeyo camalka isago ummada ugu baaqay inay cilmiga bartaan si ay uga badbaadaan khataraha kusoo fool leh , waxa kale oo uu sheegay beeldaajuhu inay habboontahay in qofku diintiisa uu aqoon uleeyahay

Ugu dambayn beeldaajuhu waxa uu ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed inay arrintaas u dhug yeeshaan waliba ay ku baraarugaan in cadawga shiicada ahi ay wataan lacago fara badan, taasoo khatarteeda leh .

Gabagabdii waxa lagu soo dhaweeyay Sh C/raxmaan Aw Ciise Gudoomiye ku xigeenka mu’asasada al-minhaaj qaybta gobolka bari oo halkaa ka akhriyay bayaankii nadwada kasoo baxay, wuxuuna u qoraa sida tan:

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.