Home » Warar »

RW Cumar ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho, 16, April, 2015……Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmare iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Gadiidka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Lataliyayaal iyo Xubno ka tirsan xafiiskiisa ayaa saaka dalka dib uga soo noqoday.
image

Ra’iisul Wasaraha iyo waftigiisa ayaa booqasho qaadtay sadex maalin waxay ku joogaan dalka Isutaga Imaaradka Carabta oo ay marti qaad ka heleen madax dalkaas, waxayan kulamo gooni gooni ah la soo qaata madaxda ugu saraysay.

Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiisaka mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa saxaafada uga warbixiyey waxyaalihii u soo qabsoomay waftiga intii ay ku suganaayeen magaalda Dubai.

“Waxaan la kulanay madax kala duwan, waxaana kawada hadlnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya laba dal. Dowlada Soomaaliyana waxay uga mahadcelisay dowalada Imaaradka Carabta kaalamada balaaran ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya taas oo isugu jirta dib u dhiska, tababarka ciidamadda, arrimaha gar gaarka, iyo caafimaadka” ayuu yiri Wasiir Maareey

—-DHAMAAD—

Waaxda Warfaainta Xafiiska RW

Muqdisho, Soomaaliya

media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.