Home » Warar »

Wasiirka Shidaalka iyo macdanta oo ka hadlay Weerarkii lagu soo qaaday dhismaha ay dagan yihiin.

Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta, Mudane Maxamed Mukhtar Ibrahimiyo ayaa ku tilmaamay weerarkii maanta ‘wuxushnimo’, kaasi argagixisada nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay maanta ku qaadeen Wasaaradaha Shidaalka iyo Waxbarashada isla markaana ay ku guul dareysteen isku daygoodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka. Waxaa uu ugu hambalyeeyay ciidanka geesinimada ay markiiba kusoo afmeereen weerarkaasi.

“Waxaa sharaf noo ah in hay’adahani ay halkooda ka wadayaan hawlihii qaran ay u hayeen umadda. Waxayna taasi calaamad u tahay dhabar adeyga umadda Soomaliyeed ay u leeyihiin dhibaatooyinka ay nabdiidku ku hayaan, waxaan anaguna balan qaadaynaa in aan hoos uga dhicin higsiga umadda.” Ayuu yiri Wasiirka

Waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed ee kuwii ay jeclaayeen lagu dilay weerarkaasi foosha-xun,. Wuxuu Allaha uga baryay in uu u naxariisto inta dhimatay, caafimaad deg deg ahna siiyo inta ku dhaawacantay.

—DHAMMAAD—-
shidaalwasiir
Muqdisho, 14, April, 2015..

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.