Home » Warar »

Tartanka Turkiga, Emirat-ka, iyo Iran ee Soomaaliya.

Dalka Soomaaliya waa dal soo maray marxalado kala duwan oo nabad, hormar, iyo colaad sokeeya-ba leh. Marxaladahaas oo si kala horeeya ay umadda Soomaalidu usoo wajaheen ayaa ugu dambeyntii waxaa hadda lagusoo afmeeray oo uu dalku ku jiraa xaalad dib u soo kabasho ah ,waxa uu dalku kasoo kabanayaa dhibaatooyin badan oo dhinac walba ka gaaray sida amaanka ,siyaasada,adeegyada Bulshada,Ciidanka , dhaqaalaha iyo heykal kii dowladnimo.

Dalka nuucaas ah ee dib u kabashada ku jirawaxaa daadihinaya oo gacan ka geysanaya dib usoo Noqoshadiisa dalal badan , Iyada oo daadihintoodaas ay dad badani u arkaan mid aan ka imaan kaliya niyad sami ay dalalkani u qabaan gacan siinta wadankan soo kabanaya ee Soomaaliya, balse ay dano kale oo gaar ahina ay ku laranyihiin.

Dalalkan marxaladda dib usoo noolaashaha dowladnimo ee ay Soomaaliya hadda gashay ku garab taagan waxaa kamida kuwo Carbeed, qaar Afrikaan ah iyo dalal dunida shishe ka yimid, waxaana ka magacaaban dalalkaas oo ah kuwa ugu firfircoon ee kaalintan qaadanaya Turkiga ,Iran ,Qadar, iyo Imaaraadka.

Qormadani waxay u gol leedahay inay wax ka iftiimiso damaca iyo saameeynta dalalkan qaarkood ay ku leeyihiin danaha guud ee Soomaalida. Waxa aynu halkan hoose ee soo socota mid mid ugu xuseynaa dalalkan kuwooda ugu muuqda ee hadda howlgaladoodu ay Soomaaliya caanka ka yihiin.

Turkiga

Macluumaad guud

Dalka Turkiga wuxuu dhacaa Juquraafi ahaanGalbeedka Qaarada Asia , si gaar ahna waa dal lagu tilmaamo jaranjarada isku xirta Aasiya iyo qaaradda Yurub. Qayb ka mid ah dhulka Turkiga ayaa toos ugu xiran Yurub, waxa uuna dalku xuduud la wadaagaa illaa 8 wadan oo ku kala yaala qaaradaha Aasiya iyo Yurub, kuwaas oo laga xusi karo Bulgaria , Greece , Georgia , Armenia, iyo Azerbaijan ,Iran ,Iraq iyo Syria.

Diinta

Dalka Turkiga waxay 98% tirada guud ee dadkiisu yihiin dad Muslimiin ah, diimaha kale ee dalkaas laga heystana waxaa ka mida Kirishtanka oo dad tira yar ay heystaan.Si guud dalku waa mid kala duwanaanta diimaha iyo dhaqanka laga tixgaliyo oo ma dhacaan xad gudubyada diinta ama aaminaadda ku saleysan, madaama uu dastuurka dalku dhigayo inaan qofna diintiisa lagu xad gudbi Karin.

Dhaqaalaha

Sida ay sheegtay hay’ada lacagta aduunkaee International Monetary Fund (IMF) , Dalka Turkigu wuxuu ku jiraa wadamada sida xoowliga ah uu dhaqaalohoodu usoo korayay tobankii sano ee ugu dambeysay.Waxa uuna dalku kaalinta 18-aad kaga jiraa dalalka ugu dhaqaalaha fiican dunida, isaga oo sidoo kalena qayb ka ah isbahaysiga G20 oo dalalka dhaqaale xooganaanta ku bahoobay ee caalamku ay ku jiraan.

Turkigu wuxuu soo saaraa waxyaabo badan sida Dharka ,Baaburta,Maraakibta,Qalabka Dhismaha, aaladaha Electroncs-ka,Alabaha Guryaha iyo badeecooyin kale oo ay ku jiraan qalabyada loo adeegsado xamuulka (Transportation Equipment).

Turkiga iyo soomaalia

Dalka Turkigu wuxuu sanadihii dambe si muuqata Soomaaliya ula wadaagayay xiriir ku saleysan taageeridda dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo si gaar ah kaalin ugu yeeshay howlaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Dimplomaasiyadda, Bani aadaminnimada iyo dhinacyo kale oo muhiim u ah dowladda iyo dadka Soomaaliya.

Taariikh ahaan xiriirka labada dal waa mid dib ugu noqonaya xilligii dowladdii Cusmaaniyiinta ee Turkiga xarunta ku lahayd, markaas oo labada dal ee Soomaaliya iyo Turkigu ay xiriir lahaayeen iskaashina uu ka dhexeeyay.

Turkigu waa dalka kaliya ee Muslimka ah oo ku jira xubnaha isbahaysiga NATO oo ah mid u taagan caawinta iyo dib u dhiska dalalka ay rabshadaha iyo dagaaladu ka dhacaan oo dowladuhuna ka burburaan.

Issagoo xubnnimadaas NATO ka faa’ideysanaya, sidoo kalena kaashanaya sumcadd uu ku dhex leeyahay Qaramada Midoobay oo uu xubin muuqata ka yahay, ayuu Turkigu u dhaqaaqay ka howlgalidda dalal badan oo soo kabsasho dhaqaale iyo mid amni ku jira sida wadamada dhaca Bariga Afrika oo Soomaaliya ay ku jirto.
Turkiga saameeynta uu ku leeyahay wadamadaas maahan mid milatery , laakin wuxuu isticmaala siyaasad ka gadisan mida ay isticmaalaan wadamada la awoodda ah ama ku dhaw ee ku yaala Galbeedka (Western countries) sida Faransiiska, Ingariiska iyo Mareykanka marka ay faragalinayaan dal kale.

Dalka Turkigu wuxuu isticmaalaa siyaasad ay aad ula dhaceen wadamada uu faragelinta toos ka ah ku leeyahay , taas oo ah inuu ka caawiyo marka hore wadamadaas meelaha aas aasiga ah sida waxbarashada , caafimaadka ,dhismaha Wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Taasina waa isla tabtii uu kusoo galay Soomaaliya, dowladda iyo Shacabkuna ay soo dhawaynta ugu fidiyeen.

Soomaaliya ma ahan Dalka keliya ee uu kaalmo gargaar siiyoTurkigu , laakin waxaa jira wadamo badan oo gobalka iyo Qaaradaba ku yaala oo kaalmo ka hela Turkiga sidaEthiopia, Mali, Sudan, Congo IMW.

Sanadkii 2011- bilowgii dib u soo noolaashaha xiriirka Soomaliya iyo Turkiga

“Bilowgii bishii August,2011 ayaa la iga soo wacay xafiiska Raisul Wasaaraha Dalka Soomaaliya , waxaana la iga codsaday inaan ka caawiyo sidiifursad waxbarasho loogu raadin lahaa ardeyda Soomaaliyeed ee dhibaateysan” sidaa waxaa yiri Rifat Sarıcaogluoo ah madaxa Midowga Jaamacadaha Gaarka loo leeyahay ee Turkiga.

Taasi waxey dhalisay in Raisul Wasaarihii Turkiga ee xilligaaas Racip Dayib Erdogan go,aansado inuu saafirkiisi ugu horeyeey ku tago Soomaaliya, kaas oo sidoo kale noqday safarkii ugu horeeyay ee mas’uul darajadaas leh oo Turkiga ka socda ama dunida kaleba uu Soomaaliya ku yimid muddo sanado badan ah.

19 kii bishii August , 2011 laba diyaaradood oo wada wafdi isugu jiray ra’isul wasaaraha Turkiga, xubno qoyskiisa ka mida oo ay Xaaskiisa ka mid tahay, Siyaasiyiin Turkish ah, Ganacsato iyo shakhsiyaad kaloo caan ka ah dalkaas ayaa soo caga dhigtay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Soomaaliya waxey ladaala dhaceysay xilligaas abaartii ugu xumeed oo mudo 60 sano ah ku dhufata dalka, taas oo saameeysay Dad aad u fara badan oo Soomaali ah , gaar ahaanna dadkii ku noolaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Booqashada Erdogan iyo wafdigii ballaarnaa ee la socday waxey soomaaliya u furtay Waqti iyo Waji cusub ,waxeyna noqotay arrin ku dayasho mudan oo dunidu ay u wada riyaaqday. Markaas wixii ka dambeeyayna Turkigu wuxuu noqday dalka ugu horeeya wadamada caawiya Soomaaliya marka la eego sida ay hey’adaha iyo shaqaalaha Turkigu usoo buux dhaafiyeen gudaha dalka oo ay mashaariic kala duwan ka billaabeen.

Turkigu soomaaliya wuxuu ku caawiyey dhaqaale gaaraya 360 Milyan oo dollar , sidoo kalena wuxuu fursad waxbarasho siiyey ku dhawaad 12 kun oo ardey Soomaaliyeed ah.

Mashaariicda hormarinta ah ee ay dowladda Turkigu ka fulisay Soomaaliya waqtigaas uu ra’isul wasaarahoodu booqashadii ugu horeysay Muqdisho ku yimid iyo hadda inta u dhexeysa waxay gaarayaan tiro aad u badan, waxaana laga xusi karaa mashaariicdaas dib u dhiska waddooyinka magaalada, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda, Isbitaalka Digfeer iyo goobo kale oo danta guud loogu adeego. Ballan-qaadyada hormarinta ee Turkiga laga haayana waa ay kasii badanyihiin intaas hadda hirgashay.

Siyaasada Arimaha Dibada Turkiga ee Soomaaliya.

Waa wax iska caadiah in dalalka oo dhan ay leeyihiin ujeeddooyinka kala duwan oo xagga siyaasadda Arrimaha dibadda ah , waxaana jira habab kala duwan oo ay dalalku u maraan xaqiijinta ujeedkooda.

Hadaba Dalka Turkiga ujeedkiisa Arrimaha dibadda eeuu ka leeyahay dalalka ay soomaaliya ugu horeyso wuxuu u maraa sidaan soo sheegnay qaab caawimaad bini Aadanimo ah(Humanitarian). Balse ujeedyadiisaas ku lamaanana caawimadda waxaa ugu wayn laba qaybood oo kala ah:

1: Ujeeddo ganacsi iyo dhaqaale
2: Helitaanka dowlad islaami ah oo Africa ka hana qaadda kuna tiirsan Turkiga

Ganacsiga iyo Dhaqaalaha

Turkigu wuxuu leeyahay Tiirar dhaqaale oo xoogan , dhaqaalaha Turkigu muddo 10 sano oo xariir ah ayuu si xowli ah kor ugu socday, dalal badan oo Turkiga tartan adag kala dhaxeeyo ayaa ku leh saaxib dhaw oo dhaqaale iyo siyaasadeed qaarada Africa.

Wadamada Africa inta ugu badan waxey ganacsi ahaan ku xiran yihiin Dalka shiinaha ,shiinuhu wax fara gelin ah oo uuku sameeyey wadamadaas majiraan , marka laga reebo wadamada qaar sida Angola oo uu ka dheexeyo is dhaafsi ganacsi iyo xiriir xaga saliida ah.

Shiinuhu hada ayuu tartan culus kala kulmeya wadamobadan uu ugu horeeyo Turkigu , arintaas oo ay tusaale u tahay xiriir ka dhaw ee uu Turkigu la sameystay dalal badan oo Afrikan ah.

Dalka Turkigu waa dal soo saara waxyaabobadan ,oo ubaahan in loo suuq geeyo dunida inteeda kale , sidaas darted meesha kaliya ee uusan tartan badan ka jirin waa qaarada Afrika.

Waxaa la isugu geeyey magaalada Ankara , horaantii 2012 da , 250 qofood oo isugu jira wariyaal ,khubaro dhanka Ganacsiga ah iyo siyaasiyiin afrikaan ah si ay u falanqeeyaan ugana doodaan sida ugu fudud uguna sahlan ee loo heli karo iskaashi ganacsi oo dhex mara Turkiya iyo wadamada Qaarada Africa.

Madaxweynaha Dalka Turkiga mar uu booqasho ku joogay Dalka Ethopiawuxuu yiri:
“Africa xiirirka aan la sameyneyno ee ganacsi waxaa ka horeeya magdhow aan ka bixineyno 10 sano oo aanan xiriir fiican la laheyn, taas na waxaan ugu gudeynaa dhismo iyo kaalmo bini aadannimo”.

Mashaaricda dhismaha ee uu Africa siiyey Turkigu waxaa ka mida wado tareen ah oo isku xiri doonta labo magaalo oo ka mida Ethopia iyo kuwa uu Soomaaliya ka fulinayo ee aan soo sheegnay.

Turkigu marka uu ka fakareyey fursada ah sida uu Ganacsigiisa ugu baahin karo Afrika uguna Suuq geeyn karo waxa uu soo saaro wuxuu is weydiyey Suaalo ay ka midyihiin:-

1.Waa kuma Dalka afrikanka ah ee Muslim ah 100% oo ay ka gadmi karaan waxa aan soo saarno?
2. Waa kuma Dalka African ka ah ee aysan ka jirin ciriiri Dakadeed oo laga soo dajin karo waxyaabo badan
3. Waa kuma Dalka afrikanka ah ee wax ka gadi kara Afrikada kale ee dagan ganacsina ku leh

Haddii aad uu fiirsato Su’aalahaas waxaa kuu soo baxaaya in Dalka buuxin kara sharuudahaas 100% uu yahay Dalka soomaaliya.

Dalka soomaaliya waa dal muslim ah oo ay ka gadmi karaan wax soo saarka Turkiga.Dalka soomaaliya waa Dalka kaliya ee dadkiisu Afrikada kale ugu Ganacsiga iyo saameeynta badan yihiin ,tusaale Kenya ,South Africa,Ethiopia ,Angola,Sudan iyo Tanzania waxey ku jiraan soomaalidu dadka ugu badan ee ganacsi ku leh marka laga tago dadka wadanka u dhashay.

Hadaba soomaaliya Turkigu wuxuu u arkay saldhiggii ganacsi ee uu uga duuli lahaa intaas oo wadan oo African ah iyo kuwo kale haba ugu horeyso Ethopia , maadaama uu yahay Dalka labaadee ugu shacbiyadda badan uguna isticmaalka badan Afrika uuna ka jiro ciriiriga ugu badan ee ganacsi.

Wariye Ethopian ah ayaa yiri markii ganacsato la socotey Madaxweyne Erdogan safarkiisii Ethiopia aan weydiiney ujeedooda geeska Afrika iyo Ethiopia waxey noogu jawaabeen waxaad arki doontan dhawaan ilaa 9 warshadood oo dharka sameeyaoo aan gees ka afrika ka hir galino, si gaara Ethiopia waxaa iman doona 200 oo shirkadood , kuwaas oo saldhig ka dhigan doona halkaas.

Waxaa iska cad in soomaaliya inta uu ka damacsanyahay Turkigu 100 jibaarkeed uu ka damacsanyahay wadamada kale ee Gobolka iyo Afrika.

Haddii ilaahey qaddaro Soomaaliya way xasilidoontaa , waxeyna qaadan doonta mar kale waayaheeda iyo la nolaanshaheeda aduunyada kale, Hadaba yaa ka faaideysan doona dalkaan qeyraadkiisu dihan yahay , dad kiisu yaryahay ,dhulkiisuna ballaaranyahayilleen waa la iskala tagi doonaa caawimaad iyo dhisme wado ,Dakad,Airport iyo isbitaallo, wax walbaana mar ayey dhamaan doonaane.

Dalka Angola oo Kaalinta labaad uga jirta afrika wadamada soo saara saliidda markay kasoo kabsatay colaaddii sookeeyee sida Soomaaliya dalkii sida Turkiga oo kale u caawiyey oo Gacan qabtey wuxuu ahaa Dalka Shiinaha. Shiinihu waxey xataa dhammaan dumiyeen dhismihii caasimadda Luanda ee qaddiimiga ahayd, markaas ayey dib u dhiseen ilaa ay ku biirtey magaalooyinka ugu qaalisan aduunka sidoo kale waxey u dhiseen tubooyinka saliidda iyo guud ahaan wixii dhisme muhiim ahaa , taas badalkeeda saliidda lagasoo saaro Angola inta ay ciirin tahay waxaa loo qaadaa Shiinaha si loo soosifeeyo , markaas ka dibna waxaa dib loogusoo celiyaa Angola , halkaas oo dunida kale loogaga iibiyo.

Waxa Turkigu soomaaliya la damacsanyahay sida Shiinaha ayaa ugu yar , sheekaduna dhisme iyo caafimaad wey ka weyntahay tahay. Xusuusnaaw Ooraahdii ahayd“dowladuhu Hay’ado Deeq Bixiyaal Maahan”.

Dowlad islaami ah oo Afrika ka hana qaada

Turkigu waa dawladakeliya ee islaami ahoo leh saameyn siyaasadeed ,dhaqaale iyo milatery oo ka tirsan Golaha Amaanka.

Waxaa jira 57 dowladood oo islaami ah oo ka tirsan Golaha amaanka isla markaana aan laheyn saameyn siyaasadeed oo muuqata.Turkiga waa u cuntami weysay inuu sidii dalalkaas ahaado,maadaama ay dowladahaas u badan yihiin carab si uun ugu dabacsan siyaasadaha reer galbeed ka.

Xisbiga Talada Turkiga haya ee AKP waxaa ku jirta qorshihiisa in haddii uu xoojiyo xiriirka kala dhexeeya wadamada Afrika uu heli karo dhammaan codadka wadamada Afrika si uu ugu yeesho aqlabiyad ballaaran Golaha ammaanka.

Turkigu sida uu ugu baahanyahay inuu ka helo aqlibayad Golaha ammaanka ee Qaramada midoobeysidaas silamidawuxuu u baahanyahay dowlad islaami ah ,oo ka hana qaada afrika , Gaar ahaan Geeska afrika.

Sida rer Galbeedku Geeska afrika ugu daadihiyey uguna koriyeyEthiopia , ayna iyaduna u dhowrtay siyaasadii iyo danihii reer galbeedka , ayuu Turkigu muhiimad gaar ah u arkaa in soomaaliya la gacan qabto , si ay ugu yaraan u noqoto dowladEthiopia kula ficiltanta Arrimaha Geeska Afrika.

Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ee ka talineysay badi dunidaQarnigii 15 aad soomaaliya waa ay soo gaartey waxeeyna kasoo gaartey dhanka waaqooyi gaar ahaan Magaalada Berbera , waxaana halkaas ku yaala oo illaa hadda laga helayaa masjid ay ka dhistay iyo ceel ay ka qodey meel u jirtaa masaafo gaaban Magaalada BerBera.

Arrimaha caawimaadda ee Turkigu Ka wado soomaaliya waxaa dhex socda Dhismaha Masaajidada iyo Goobaha Taarikhiga ah.

Saameeynta Turkiga ee soomaaliya iyo Geeska Africa waxaa loogu magac daray meelaha qaar soo laabashadii wiilashii Boqortooyadii cusmaaniyiinta ee afrika (OTTOMAN EMPIRE).

Intii uu Madaxweynaha Turkigu booqoshada ku marayey wadamada Geeska Africa ee Ethiopia, Djibouti iyo SoomaaliyaMashaariicdii uu dhagax dhigay waxaa ka mid ahaa Masaajidkii Najasha ee loogu magac daray Boqor Najaashihii Ethiopia. Sidoo kale Safiirka cusub ee Dowladda Turkigu usoo magacowday Soomaaliya mar uu booqanayey Magaalada Kismaanyo wuxuu halkaas ku guddoonsiiyey Kitaab Qur’aan ah Madaxa Mamul Goboleedka Jubba LandAxmed Madoobe.

Dadka sida aadka ah indhaha ugu haya siyaasadda Arrimaha dibadda ee Turkiga waxey leeyihiin Turkigu wuxuu si diblomansiyadeysan u faafaniyaa diinta islaam-ka.

Lasoco Qeybta Kale

W/Q Maxamed Axmed Cali Royal
EMail :mohamedmidnimo@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.