Home » Warar »

Dalladda SOSCENSA oo qabtey Kulan Wadatashi ah oo looga Hadley Dib u eegista Dastuurka.

Waxaa Magaalada Muqdishu lagu qabtay kulan Wadatashi ah oo ay ka soo qayb galeen Ururada Bulshada Rayidka oo ay wehliyaan Madaxda Jaamacadaha Muqdisho iyo Maamulka Gobolaka Banaadir, waxaa kulankaasi wada tashiga ah looga hadlay arimo dhowr ah oo dhamaantood quseeya dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Dalka u yaala, waxaana laga dooday Qodobada:- Federaalisamka, Muwaadinimada, Doorashooyinka iyo sida loo Wadaagayo Khayraadka Dalka .

Ka qaybgalyasha ayaa isla meel dhigay in xiligan la joogo aanay soomaaliya xamili Karin nidamka Federaalka taas bedelkeedana waxay door bideen in la sameeyo dib u heshiisiin dhab ah oo ka timaada bulshada oo loo heshiiyo degmo degmo, markaa ka dibna la sameeyo maamul goboleed ay hal dani ka dhexayso

Waxay kaloo ka doodeen mida haboon in shacabku si toos ah u doortaan Madxwaynaha dalka iyo in ay Baarlamaanku doortaan, waxayna ayideen in ay haboon tahay in Madaxwaynaha ay si toos ah dadwaynuhu u doortaan si ay u dhabowdo dib u heshiisiintii ay dadku heshiiyeen, bulshada rayidku waxay kaloo isla eegeen jinsiyadaha, waxayna walaac ka muujiyeen sida ay hada wax u socdaan oo waxay sheegeen iney cabsi ka qabaan in Dowled goboleed kastaahi samaysato qaab jinsiyada lagu bixiyo, waxay soo jeediyeen in nidaamk jinsiyaduhu uu noqdo mid ay jaan goyso Dowlada Fedraalka Soomaliya.

Waxayna dhinaca kale madaxda Soomaalida ka codsadeen iney qaataan mowqif la mid ah kii a! y qaateen Dowladihii Soomaliya soo maray marka laga hadlayo saxiixii Xuduudaha ay leedahay SOMALI REPUPLIC.sidoo kale ka qayb galayaasha waxay ka doodeen sida loo wadaagayo khayraadka dalka, waxayna isla go’aansadeen in an khayraadka dalka la wadaagi Karin hadii aan si cad loogu qorin Dastuurka dalk u yaala, waxyna sheegeen hadii aan sidaa la yeelin iney cabsi ka qabaan in khilaaf hor lihi Soomaaliya soo wajihi doono

Kulankaan oo ka dhacay Xarunta Dalladda SOSCENSA ayaa markii uu soo gabagaboobey waxaa Saxaafada la hadlay Proff. Maxamed Xasan Doob, oo ah Sarkaal ka tirsan Jilayaasha aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee (SOSCENSA) oo kulanka soo agasimey waxaa uu faahfaahin dheeraad ah ka bxiyey Qodobadii looga Hadley Kulankaas Wadatashiga ah..

Sidoo kale waxaa Saxaafada la Hadley Asli Ismaaciil Ducaale oo ka socotey Hay’ada Weave ayaa sheegtey in la gaarey Xiligii Haweenka Soomaaliyeed ay Door Muhiim ku yeean lahaayeen Siyaasadda Dalka sidoo kale waxay sheegtey in loo baahan yahay in affka Soomaaliga uu noqdo mid uu ku shaqeeyo Qaranka Soomaaliyeed isla markaana Caruurta wax lagu baro maadaama Afka uu yahay mid lagu garto Qaran kasta oo aduunka ka mid ah
image
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.