Home » Warar »

Wariye Cabdifitaax Kalgacal Waa Wariye Aragga la’ lamana oga Sababta ilaa iyo hadda ee uu u Xiran yahay

Maalintii Afaraad waxaa Dowladda Federaalka u Xiran weriye Cabdifitaax Xasan Axmed oo ku Magac dheeraa Cabdifitaa Gacal oo ah Weriye Aragga La, una shaqeynayey Idaacada Goob Joog ee Magaalada Muqdisho ugana soo Warami jirey arrimha Baraalmaanka Federaalka, ilaa iyo hadda Lama Garanayo Sababaha loo Xirey Wariyaas oo si weyn looga yaqaan Magaalada Muqdisho sidoo kale Dowlada Fedeaalka weli kama hadlin Sababta Rasmiga uu u Xiran yahay Wariyahaas,

Bahda Saxaafada ayaa Walwel ka muujiyey Xariga Wariyaha araga la’ , waxayna Dowladda Federaalka ay ka Codsadeen in si deg deg ah loo siidaayo Wariyahaas sidoo kale waxaa Xariiga Wariyey Cabdifitaax Cambaareeyey maamulka Idaacada Goob Joog oo iyana Codsadey in La sii daayo hadii kale Maxkamad la soo taago.
image

Cabdi Naasir Xasan Axmed oo ay walaalo yihiin Wariyaha xiran, ayaa wuxuu sheegay mar uu Saxaafadda la hadlayey in maalintii Khamiistii uu tagay Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Magaalada Muqdisho si uu u helo Xog ku saabsan Xariga Walaakiis Cabdifitaax Kalgacal sidoo kale Wuxuu sheegay in ciidamada Nabad Suggida ay ugu jawaabeen inuusan xaq u laheyn wax ka ogaado Sababaha rasmiga ah ee uu u xiran yahay.

“Maalintii afaraad ayuu weli Wariye Cabdifitaax Kalgacal xabsiga ku jiraa, iyadoo sabab uu xiran yahay aanu boolisku caddeyn,” ayuu yiri xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim, isagoo intaas ku daray. “Weriye Kalgacal waa weriye ku dhiirraday in isagoo indhool ah uu dadka Soomaaliyeed u shaqaeeyo, islamarkaaa waa wariye sida Waafaqasan Anshaxa Saxaafada ugu shaqeeya

image

Dastuurka Dalka ayaa dhigaya in Mawaadinka Soomaaliyeed uusan Xirnaan Karin muddo Afartan iyo Sideed Saacadood ah ayadoo aan dacwad lagu soo oogin ama maxkamad la geyn.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyagana Cambaareeyey Xariga Wariye Cabdifitaax Kalgacal iyagoo sheegey in uu ahaa Wariye si wanaagsan uga soo warami jirey arrimaha Baarlamaanka weliba waxay sheegeen in uu ahaa wariye ay ka go’neyd in uu Bulshadiisa u soo gudbiyo warar Xaqiiqo ah gaar ahaan Wararka Baarlamaanka , waxaayna Codsadeen in si deg deg ah loo sii daayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.