Home » Warar »

Faahfaahin Dheeraad ah oo ku saabsan Weerarkii lagu qaadey Jaamacada Gaarisa oo lagu Diley 147 qof

In ka badan mudo 12 Saacadood oo dagaal ah oo ka dhex socdey Jaamacada Magaalada Gaarisa ka dib markii Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Alshabaab ay soo weerareen maalintii Khamiista ahayd .

Weerarkaan oo la sheegey in uu ahaa kii ugu Khasaaraha badnaa ayaa waxaa ilaa haatan la xaqiijiyey in ay ku dhinteen in ka badaN 147 qof oo isugu jira ardey, Macalimiin, Shaqaale iyo Askar , waxaa ku dhaawacmey ilaa iyo 90 qof oo qaarkood loola cararey Isbitaalo ku yaal magaalada Nairobi

Waqtiga la weerarey Jaamacada Gaarisa oo ahayd Shantii Subaxnimo oo la sheegey in ardey qaar ay Jiifeen maadaama Jaamacada ay ahayd mid la Seexdo waxaana la arkayey ardeyda qaarkood Dharkii ay ku jiifeen xiran oo Darbiyada ka boodayey , wararka qaar baa sheegeyey in raggii Weerarey Jaamacada ay dadka u kala saarayeen Muslin iyo Gaalo .

Weerarkaan ayaa waxaa ka Hadley Madaxweynaha Kenya oo sheegey in Dadka ay is dajiyaan islamrkaana soo sheegeen Cid kasta oo Khatar ku ah Amaanka Dalka Kenya sidoo kale Dowladda Kenya ayaa Bandow ku soo rogtey Afar Magaalo oo ku yaala Gobolka Waqooyi Bari taasoo ujeedka uu yahay waa sida ay Dowladda sheegtey in lagu Xaqiijinayo Amaanka Goboladaas .

Waalidiin Soomaaliyeed oo caruurtooda ku geeriyoodey Weerarkaas oo Wareysi siineysey Idaacadda BBC-da ayaa waxay eedeeyn kula Dul dhaceen Dowlada Kenya oo ay sheegeen in Caruurtada la Dayacay , Sidoo kale Xildhibaano laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ayaa iyana sheegey in Dowladda Kenya ay wax weyn ka qaban doonto Amaanka Dalka Kenya

Sannadkii 2013 Bishii September ayaa dagaalyahano ka tirsan Xarakada Alshabaab waxay weerar ku ekeeyeen Xaruntii Ganacsiga ee Westgate ee Magaalada Nairobi waxaana weerarkaas ku geeriyoodey ilaa 70 qof iyadoo weerarkii ka dhacay Jaamacada Gaarisa ay sheegteen Xarakada Alshabaab kuna hanjabeen in ay sii wadayaan Weerada Noocaan oo kale inta Ciidamada Kenya ay ka baxayaan dalka Soomaaliya.
image

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.