Home » Warar »

Guddoonka Baarlamaanka Iyo Hay’adaha Taageera Oo Shir Qorsheyn Ah Uu Uga Furmay Kampala 

Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo
Hay’adaha taageera Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Kampala ee
caasimadda dalka Uganda uga furmay shir la xiriira qorsheynta howlaha u
harsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed
Sheekh Cusmaan Jawaari, Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka
Mudane Jeeylaani Nuur Iikar, Gudoomiye ku xigeenka Labaad Mudane Mahad
Cabdalla Cawad,Wasiirudowlaha xiriirka Baarlamaanka Mudane Caadil Sheegoow
Sagaar iyo inta badan mas’uuliyiin ka socota hay’adaha taageerra
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shirka waxaa si rasmi ah u furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaana uu u mahad
celiyey dhammaan wakiillada hay’adaha ee kasoo qeybgalay waxaana uu ka
hadlay qorshayaasha la hiigsanayo Kalfadhiyada soo socda ee u haray
Baarlamaanka iyo sida ay howlahaasi hor u tebin u kala leeyihiiin waxaana
uu muujiyey sida uu Guddoonka Baarlamaanka mar walba usoo dhaweynayo
hay’ad kasta oo taageereysa.

Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa isna khudbad uu ka jeediyey
madasha waxa uu mid mid ugu dul istaagay sharciyadii kala duwanaa ee
Baarlamaanku meel mariyey Kalfadhigii 5aad ee Golaha Shacabka waxaana uu
dhanka kale sharaxay shuruucda ugu horeeya ee uu Golaha Shacabka muhiimad
siin doono Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka oo furmi doona 15ka bishan
April.

Shirkan oo socon doona mudo seddex cisho ah ayaa gebagebadiisa waxaa la
filayaa iney kasoo baxaan go’aanno iyo qorshayaal muhiim u noqonaya in
Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka howlaha la qabanayo ay noqdaan kuwo si
weyn looga baaraan degay ayadoo shaqo walbana la ogaan doono waxyaabaha
lagama maarmaanka u ah qabashadeeda.

—-DHAMMAAD—-

somali193

 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Kormeeray Kulan Howleed Kampala Uga Socda
Guddiga Axsaabta Ee Baarlamaanka

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta kormeeray kulan howleed
magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda uga soconaya Guddiga Axsaabta
ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulan howleedkan oo Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka ay ku dhameystirayaan
diyaarinta sharciga axsaabta dalka oo isagu ka mid ah sharuucda ugu
muhiimsan ee laga dhowrayo Baarlamaanka Soomaaliya iney hirgeliyaan si ay
u fududaato qabsoomidda doorasho xor ah sanadka 2016ka islamarkaasina
kaalmo hore uga jirta hiigsiga 2016ka, waxaana kulan howleedkan
fududeynaya hay’adda Oslo Center.

Gudoomiyaha Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof
C/risaaq Cusmaan Jurile oo kusoo dhaweeyey Gudoomiye Jawaari iyo wafdiga
la socday kulan howleedkan guddiga Axsaabta uga soconaya magaalada Kampala
waxaana uu faah faahin ka bixiyey halka ay u marayaan shaqooyinka laga
dhowrayo waxaana uu Prof Jurile tilmaamay in hada ay howshu ku dhowdahay
gebo gebo islamarkaana uu rajeynayo in Kalfadhiga 6aad bilowgiisa
sharcigan la horkeeno Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbad u jeediyey guddiga Axsaabta ee
Baarlamaanka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dadaalkooda,sidoo kalena
waxa uu Gudoomiye Jawaari u mahad celiyey dowladda Norway oo Soomaaliya ka
taageereysa arrimaha hirgelinta xisbiyada si gaar ahna waxa uu ugu mahad
celiyey hay’adda Oslo Center oo fududeyneysa kulan howleedkan waxaana uu
guddiga kula dar daarmay iney ku dadaalaan hirgelinta sharcigan si
muwaadin walba oo Soomaaliyeed uu u helo xaqiisa siyaasadda.

—DHAMMAAD—

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.