Home » Warar »

Maxaad kala socotaa Sida loo Wadaagey Xildhibaanada Goboladda Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in horumar laga sameeyey soo xulista Xildhibaanada Dowled Goboleedka Jubbaland oo laysku haystey Maalmihii la soo dhaafay.

Wararka laga helayo Odayaasha dhaqanka iyo Maamulka Jubbaland ee uu Hogaamiyo Shiikh Axmed Madoobe ayaa sheegaya in ilaa iyo hada lagu heshiiyey Xildhibaanadii  Maamulka Jubaland ka soo geli lahaa Gobolada Jubada Hoose iyo Jubada dhexe oo lagu qaybsaday qaab Deegaan intii lagu qaybsan lahaa qaab Qabiil.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la soo dhamaystiro Xildhibanada dhammaan Sedaxda Gobol ee Mamulkaasi hoos yimaada, waxaana Magalooyinka harsan weli jira Khilaaf u dhexeeya dadka deeganka oo aan weli ku heshiin Xubnaha Qabiil walba ka soo gelayo Magaalooyinka weIi dhiman sida Gobolka Gedo oo dhan iyo Degmada Afmadow ee Jubada Hoose.

Wararka ayaa tibaaxaya in Ilaa iyo hada lagu heshiiyey Xildhibaanada Magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe, Jamaame, Jilib, Saakoow iyo Bu’aale.

Halkan ka Akhriso sida ay Qabaa’ilka Deegaanku u kala heleen Xildhibaanada Dowled Goboleedka Jubbaland inta ilaa hada lagu heshiiyey.

No Degmada Beesha Tirada Xildhibaan
1 Kismaayo Gaal Jecel 2 Xildhibaan
2 Kismaayo Harti Daarood 1 Xildhibaan
3 Kismaayo Ogaadeen 1 Xildhibaan
4 Kismaayo Shiikhaal 1 Xildhibaan
5 Kismaayo Jareerweyne 1 Xildhibaan
6 Kismaayo Dir 1 Xildhibaan
7 Kismaayo Cowro maleh 1 Xilshibaan
8 Kismaayo Mareexaan 1 Xildhibaan
9 Jamaame Biyamaal 1 Xildhibaan
10 Jamaame Jareerweyne 1 Xildhibaan
11 Jamaame Gaaljecel 1 Xildhibaan
12 Jamaame Dagoodiye 1 Xildhibaan
13 Badhaadhe Baajuun 1 Xildhibaan
14 Badhaadhe Ogaadeen 1 Xildhibaan
15 Badhaadhe Gaaljecel 1 Xildhibaan
16 Badhaadhe Shiikhaal 1 Xildhibaan
17 Saakow Geeledle 1 Xildhibaan
18 Saakow Gaaljecel 1 Xildhibaan
19 Saakow Macalin Weyn 1 Xildhibaan
20 Saakow Cowlyahan 1 Xildhibaan
21 Bu’aale Dabarre 1 Xildhibaan
22 Bu’aale Cowlyahan 1 Xildhibaan
23 Bu’aale Ajuuraan 1 Xildhibaan
24 Bu’aale Gaal Jecel 1 Xildhibaan
25 Jilib Ogadeen M Subeyr 1 Xildhibaan
26 Jilib Jareer Weyne 1 Xildhibaan
27 Jilib Shiikhaal 1 Xildhibaan
28 Jilib Gaal Jecel 1 Xildhibaan

Kismaayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.