Home » Warar »

RW. Cumar: “Ujeedka Argagaxisadu waa iney curyaamiyaan goobaha ganacsiga, ayna gumaadaan dadka shacabka ah”

Muqdisho, 28, Maarso, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyey weerarkii nabad-diidku ay ku qaadeen shalay Hotel Maka-Al-Mukarama iyo khasaaraha ka dhashay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkii wuxushnimada ahaa lagu dilay 14 qof, oo toban ka mid ah ay ahaayeen dad shacab ah, ayna ku dhaawacmeen 13 qof. Dowlada Imaaraatka Carabtuna xiriir ay la soo samaysay xukuumadda ay ka balan-qaaday iney gar-gaar caafimaad u fidinayso dadka dhaawacoodu daran yahay.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa ku sifeeyey weerarada noocaan ah ineysan raad ku lehayn diinteenna muqaddaska ah iyo dhaqankeena suuban, isla markaan looga dan leeyahay in lagu gumaado dad aan waxba galabsan.

“Waxaan halkaan ka sheegayaa sida aan ula murugey-sanahay qoysaska dadkoodu ku dhinteen, waxaana ogahay xanuunka ay arintaan leedahay, waxaana halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska, ehelka iyo dhamaan asxaabta dadkoodii uga geeriyoodeen weerarka argagaxiso, Waxaana si khaas ah tacsi ugu dirayaa qoysaskii ay ka baxeen Marxuum Yusuf Ismaciil Bari-bari oo ahaa safiir shaqo muhiim ah u hayey shacabka Soomaaliyeed iyo Marxuumad Farxiyo Bashir Nuur oo ahayd aqoonyahanad dalka u timid iney ku biiriso aqoonteeda. Waxaana Ilaahay uga baryayaa inuu siiyo caafimaad taam ah dadkii ku dhaawacmay” ayuu yiri RW Cumar
image
“Waa inaan shacab iyo dowladba u istaagnaa sidii aan uga shaqayn lahayn amniga, meelna uga soo wada jeesan lahayn kuwo doonaya inay damiyaan iftiinka horumarka, bur-burinta goobaha ganacsiga iyo beegsiga dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.”

“Waxaan halkaan amaan uga soo jeedinayaa laamaha amnigu talaabadii geesinimada lahayd ee ay ku soo bad badiyeen dad faro badan oo ku xanibnaa gudaha Hotelka, waxana ku boorinayaa laamaha amniga iney muujiyaan feejignaan dheeraad ah, si shacabka looga bad baadiyo kooxaha doonaya iney dhibaateeyaan” ayuu yiri RW Cumar.

Ugu danbayntii, RW ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan iney u midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada, oo caado ka dhigtay xasuuqa dadka aan waxba galabsan, islamarkaan doonaya iney si khasab ah dadka uga dhaadhicyaan fikirkooda khaldan.

—DHAMMAAD—-

Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska R/Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
E-mail: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.