Home » Warar »

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Booqdey Dhaawacyadii lagu Daweynayay Isbitaalada Wadanka Imaaraadka Carabta.

Dr. Cabdisalaan Hadilye Cumar Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga ee Soomaaliya oo maalmahan booqasho rasmi ah ku joogey Wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa booqasho ku tagey Isbitaalka weyn ee Askarta ee loo yaqaano (Zayid Military Hospital) ee ku yaal Caasimadda Wadanka Imaaraadka ee Abu Dhbi.

image

Booqashada Wasiir Hadliye ayaa waxaa ku weheliya Danjiraha Soomaaliya ee u fadhiya Wadanka Imaaraadka Carabta Ambassador Cabdulqaadir Shiikhey Maxamed Al-Xaatimi iyo Agaasimaha waaxda Iskaashiga Amniga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dawladda Imaaraadka Carabta Ambassador Mahash Saiid Salim AL Hamily, Ayadoo ay si wacan ugu soo dhaweeyeen Maamulka isbitaalka islamarkaasina ay siiyeen warbixin ku saabsan Xaaladda dhaawacayadda la keeney isbitaalka bilowgii bishaan islamarkaasina u sheegey in ay xaaladooda ay soo hagaageeyso.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Cabdisalaan Hadliye ayaa uga mahadceliyay guud ahaan Dawlada Imaaraadka iyo Shacabkeeda gaar ahaan Maamulka Isbitaalka tan iyo intii uu ku guda jirey booqashadiisa isbitaalka sida walaalahooda Soomaaliyeed ay ugu fidiyeen Gaarka Bani’ aadamnimo iyo Taageerida dhinacwalabo leh oo ay mar walabana la garab taagan yihiin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.