Bulshada Soomaaliyeed qaar waxay is lahaayeen Dadka ka soo jeeda Mudug iyo Galgaduud way ka duwanaan doonaan wixii ka dhacay Kismaayo iyo Baydhabo, oo Gobolada Dhexe waxaa ka soo bixi doono Maamul loo dhan yahay balse waxaa Muuqda Saan saan ah in ay ka Darnaan doonaan Kismaayo iyo Baydhabo waayo waxa Gobolada Dhexe maanta ka taagan mid ka daran wixii ka dhacay Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo
Sideed Bilood ayaa laga joogaa markii Magaalada Muqdisho looga Dhawaaqey in Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe uu ku furmi doono Magaalada Cadaado iyadoo Maalmo ka dib lagu dhawaaqey Guddiigii Farsamo ee geli lahaa Howsha Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud , waxaa la qabtey Siminaaro iyo Shirar ku saabsan sidii uu dhaqan geli lahaa Shirkaas .
Shirka Maamul Sameynta Gobolada Dhexe oo hadba meel soo Tu’do ayaa waxaa Magaalada Dhuuso Mareeb looga dhawaaqey in ay Marti gelineyso Shir dib u heshiisiin oo la dhihi karo Qaar ka mid ah Beelaha Gobolada Dhexe kuma qanacsaneyn waayo waxay sheegeen in Shirkaas uu yahay mid lagu dhabar Jabinayo Shirka Degmada Cadaado, iyadoo Murankaas uu taagan yahay ayaa Madaxweyne Xasan Shiikh 10 Bishii Febraayo Waxaa uu gaarey Magaalada Dhuuso Mareeb , waxaan uu si cad u yiri “ in marka uu dhamaado Shirka Dib u heshiisiinta la tago Degmada Cadaado.”
Arrinta oo u muuqato Middi , Middi ku taag ayaa Odyaashii ku shirayey Magaalada Dhuuso Mareeb iyagoo ka Dabaaq Tamayo Hadalka Madaxweynaha waxay ku dhawaaqeen in Shirkii Dib u heshiisiinta Dhuuso Mareeb lagu darey muddo 25 Maalmood , waxaana shirkaas markii dambe ka soo qayb galey Ergoyinka kala yimid Magaaloolyinka Gaalkacyo iyo Cadaado iyagoo Ujeedkooda uu ahaa sida ay sheegeen in meesha ay Calool Fayoobi ka dhacdo.
Waxay arrintu isbedeshey markii Odoyaashii ku shirayey Magaalada Dhuuso Mareeb ay si cad u sheegeen in Shirkii Maamul u sameyna Gobolada Mudug iyo Galgaduud laga furo Magaalada Dhuuso Mareeb taasoo ay si weyn uga dhiidhiyeen qaar ka mid Beelaha Dega Goboladaas gaar ahaan dadka ka soo jeeda Cadaado iyo Gaalkacyo hase yeeshee is jiid jiidka dhaxeeyo Dhuuso Mareeb iyo Cadaado ayaa dadka u kuurgala Siyaasada waxay sheegyaan in arrinta ay ka weynta beelo is heysta balse ay jiraan Dowlado doonaya in ay lug ku yeeshaan Maamulka loo sameynayo Goboladaas oo lagu tilmaamo Xuduntii Dhibaatada Soomaaliya oo dadka qaar ay qabaan hadii ay Hagaagto arrinta Gobolada Dhexe ay Soomaaliya inteeda kale ay hagaageyso.
Marka laga soo tago ishaysiga beelaha iyo mida Shisheeye waxaa jira Maamulo ka soo horjeeda in Labadaas Gobol loo sameeyo Maamul u gaar , waxaa Dhawaan Qoraal ka soo baxay Maamulka Puntland uu ku sheegey in Mudug aan la kala goyn Karin , waxaana Maamulkaas uu xir xirey Odoyaal iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Pundland sidoo kale waaa jira in Dowladda Federaalka ay ku kala qaybsan tahay Dhismaha Maamulkaas gaar ahaan Xukuumada iyo Madaxtooyada.
Dowlada Itoobiya oo galaangal Siyaasadeed ku leh Maamulada la sameynayo iyadoo Maamuladii loo sameeyey Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay si weyn uga muaqatey ,waxay haatan dooneysaa in ay ku lug yeelato Maamulka Gobolada dhexe, waxaana lagu waramey in Xitaa ay saameysey Xiriirkii Dowladha Itoobiya iyo Jabuuti , iyadoo Ciidamadii Jabuuti ee la geyn lahaa Magaalada Cadaado ay halkaa gaari waayeen ka dib markii Itoobiya ay ku andacootey in Ciidamadeeda ay ku sugan yihiin Deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe ayna Xaq u leedahay in ay sugto amaanka Goobta shirka lagu qabanayo.
Reer Cadaado oo aad moodid in ay ku soo dhex Dhaceen Siyaasado is diidan ayaa dadka qaar waxay aaminsan yihiin in ay adag tahay in ay hamigeeda uu hirgalo oo ahaa Degmada Cadaado ay Caasimad u noqoto Maamulka Gobolada Dhexe sida ay heshiiska kula geleen Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo isna loo qorsheeyey Madaxweyne ka noqdo Maamulka Gobolada Dhexe, waxaana taas kuu Cadeynaya in maanta aan jirin Musharax ka soo Jeeda Degmada Cadaado oo ka mid ah Musharaxiinta u tartameyso Xilka Madaxweyninimo .
Dowladda Federaalka oo dadka qaar qaba in ay iyadu Lug Jiideyso Shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ayaa waxay sheegeen in ay Hoosta ku wadato Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isagana Ololahiisa ka wada Magaalada Muqdisho ,waxayna Dadkaas sheegeen in Reer Cadaado ay u kala jebeen kuwa Taageersan Cabdi Qaybdiid iyo kuwa Taageersan Cabdikariim Xuseen Guuleed iyadoo kuwa doonaya Cabdikariim ay ku andacoonayaan haddii reer Cadaado ay la heshiin lahaayeen una hogaamsami lahayeen Rabitaanka Madaxtooyada in ay wax badan u hagaagi lahaayeen hase yeeshee Reer Cadaado waxay noqdeen Hashii Labada Geel Jecleyd oo Dhexda Waraabaha ku Cuney.
Reer Dhuusa Mareeb oo u ololeynaya in Deegaankaas Madaxweyne ka noqdo Axmed Cabdisalaan oo dadka qaar ay leeyihiin waxaa Wata Dowladda Itoobiya ayaa ku adkaan doonto sidii uu uga gudbi lahaa Xaalada adag ee ka jirta Gobolada Dhexe iyadoo Axmed Cabdisalaan laga soo xigtey mar uu la hadlayey reerkiisa In uu qancin doono reer Cadaado si uu u hirgalo Damaciisa ku aadan in Maamulkaas uu Hogaamiyo sidoo kale waxaa jira Musharaxiin kale oo ka soo jeeda Goboladaas oo iyana doonaya in Gobolada Dhexe Madax ka noqdaan kuwaa oo qaakood ka yimid wadamada Mareykanka iyo Yurub oo iyana Caqabadooda Wata .
Isku soo duubo nin odey ah oo aan ka wareystey Isjiid jiidka ka jira Gobolada dhexe ayaa waxaa uu yiri “ Waxaan ka cabsi qabaa in ay Kismaayo i Qarso noqoto oo iyadu ka soo baxeen Shan Madaxweyne waayo Dadka Gobolada Dhexe dega Madaxweynimaa Madax martey marka Taariikhda Dib loo raaco “ nin kale odey ah ayaa isna yiri “ Anigu Saddex Madaxweyne u dhaafsiin maayo mid waxaa lagu dooran doonaa Dhuuso Mareeb waana Axmed Cabdisalaan , mid waxaa lagu dooran doonaa Degmada Cadaado waana Cabdi Qaybdiid, midka soo harey waxaa lagu dooran doonaa Magaalada Muqdisho waana Cabdikariin Xseen Guuleed hadii aan Xal deg deg ah la gaarin “ arrinta Gobolada Dhexe waxay taagan tahay haddii aad hore u ma qashey “ Ku qabso ku Qadimeeysid Waxay maanta taagan tahay “KU QABSO OO KU WADA QADA “
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.