Home » Warar »

Banaanbax looga soo horjeedo Xaalufinta iyo Boobka lagu hayo Badda Soomaaliya oo  ka dhacay Muqdisho.

Cabdulaahi Maxamed Shirwac “ Talyaaniga  laba arrimood mid ha yeelo in uu Soomaaliya Saaxiib la noqoto  iyo in uu na Bililleysato”

Khadiijo Cabdulaahi Maxamed “Talyaaniga waa na yaqaan Dhagax ayaan  Dalkaan  uga saarney maanta oo  aan Xor nahay marnaba ka yeeli meyno in uu Baddeena Bilililqeysto”

 

Waxaa Fagaaraha Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho  lagu qabtey Banaanbax Balaaran oo looga soo horjeeda Boobka lagu hayo Badda Soomaaliya gaar ahaan Dowladda Talyaaniga ka dib markii la ogaadey in ay qayb ka tahaya Xaalufinta Badda Soomaaliya  ha noqto Khayraadka kala duwan ee ka buuxa Badda Soomaaliya , waxaana Banaanbaxaan soo qaban qaabiyey  Dalladda aan Dowliga hayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya SOSCENSA

Banaanbaxaan oo ay ka qayb galeen  qaybaha kala duwan ee Bulshada sida ardeyd Jaamacadha, kuwa Dugsiyada, Ururrada Shaqaalaha , Ururada Iskaashatooyinka , Haweenka, Dhaliyarada iyo dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa ugu horeyntii ka Hadley  Gudoomiyaha Midowga Jaamacadaha     waxaa uu yiri

“Shirkadda ENI ee lga leeyahay wadanka Talyaani ee horay u gumeystay Soomaaliya waa in ay si deg deg ah u joojiso howlaha Baarista shidaalka kana baxdo Badda Soomaaliya. Sidoo kale Shirkadaha  sida Sharcidarada ah uga kaluumaysta ama Sunta halista ah ku quba Baddeenna  waa in la Maxkamadeeyo magdhowna laga qaado. “

Xubnahii kale ee hakaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Dallada SOSCENSA  Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo sheegey in inta badan Dowladihii  iyo Shirkadihii faraha kula jirey Badda Soomaaliya ay dib uga laabteen marka laga reebo Shirkada Talyaaniga laga Leeyahay ee Lagu Magacaabo ENI Taasoo Gudoomiyaha Sheegey In ay  Xaalufin  weyn ku hayso Kharaadkii Badda Soomaaliya  waxaa uu sii raaciyey

“ Bulshada Rayidka manaba u dul qaaadanmeyso Xaalufinta lagu hayo Badda Soomaaliya  waxaana  u soo jeedineynaa  Talyaaniga  laba arrimood mid  ha  yeelo in uu Soomaaliya Saaxiib la noqoto  iyo in uu na Bililleysato sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa  Waraahinta in ay ka qayb qaataan sidii looga hortagi lahaa  Xaalufinta lagu hayo Badda Soomaaliya

Khadiijo  oo ku hadleysey Magaca Daladda COGWO ayaa waxay tiri “ Talyaaniga waa na yaqaan Dhagax ayaan  Dalkaan uga saarney maanta oo  aan Xor nahay marnaba ka yeeli meyno in uu Baddeena Bilililqeyso marka waxaa ugu baaqayaa Dowladda Talyaaniga  in uu Deg deg u joojiyo faraha uu kula jiro Badda Soomaaliya

Waxaa halkaa iyana  ka Hadley Jaamacadaha , kuwa Dugsiyada , Ururrada Shaqaalaha,Iskaashatooyinka, Haweenka, Dhaliyarada waxayna dhamaatood  sheegeen in  ay ka dagaalami dooaan Xaalufinta lagu hayo Badda Soomaaliya sidoo kale waxay u soo jeediyeen Beesha Caalamka in ay Talaabo ka qaadaan Dowladaha Caadeystey in ay Boobaan Khayraadka ka buuxa Badda Soomaaliya

Ugu Dambeyntii Ururada Bulshada ayaa Banaanbaxaas ka soo saarey Qodobadaan

1-Shirkadda ENI ee lga leeyahay Wadanka Talyaani  waa in ay si deg deg ah u joojiso howlaha baarista Shidaalka kana baxdo Badda Soomaaliya.

2-Sidoo kale, Shirkadaha  sida sharcidarada ah uga kaluumaysta ama Sunta halista ah ku quba Badeenna waa in la Maxkamadeeyo mag dhowna laga qaado.

3-Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay  waxaan uga mahadcelinaynaa ixtiraamka Midahaanshaha Dhulka, hawada iyo Badaha Soomaaliyeed waxaana ka codsaneynaa in ay hor istaagana wadamada iyo Shirkadaha ku soo xadgudbaya Badaha Soomaaliya.

somali192

4-Shacabka  Kenya guud ahaan iyo Bulshada rayidka ah waxaan u soo jeedinaynaa in Dowladdooda ka qabtaan ku xadgudubka Badda Soomaaliya waayo falkaas wuxuu xumayn karaa daris wanaagga iyo nabad ku wada noolaanshaha labada umadood.

5-Haddii aan nahay banaanbaxayaasha maanta taagan fagaarahan waxan ayideynaa ganaaxa Xeer ilaalinta Qaranku ku soo rogtay Shirkadaha shisheeye ee Badda Soomaaliya ka wada baaritaanka shidaalka.

Ugu dambeyntii, dadwaynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan u soo jeedinaynaa in ay ku baraarugsanaadaan boobka sharcidarada ah iyo weerarka qaawan ee lagu hayo khayraadka Dihin ee dalkooda kana hortagaan

 

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

 E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

 E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.